Sharciga Kunoqoshadiisa 22:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 21:14 : 14 Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.
  • Sharc 22:21-22 : 21 markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan. 22 ¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.
  • 1 Kor 5:13 : 13 Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.
  • Bil 29:21 : 21 Yacquubna wuxuu Laabaan ku yidhi, Maalmahaygii way dhammaystirmeen; ee naagtayda i sii, si aan ugu tago iyada.
  • Sharc 13:5 : 5 Oo nebigaas ama riyaalowgaas waa in la dilaa, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay wax ku caasinimo ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar oo idinka soo furtay gurigii addoonsiga, si uu idiinka leexiyo jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray inaad ku socotaan. Oo sidaas waa inaad shar dhexdiinna uga saartaan.
  • Mat 1:20 : 20 Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.
  • Mat 1:24 : 24 Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa'igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay;
  • 1 Kor 5:2 : 2 Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    13¶ Oo haddii nin naag guursado oo uu u tago, dabadeedna uu necbaado,

    14oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday kama aanan helin calaamadihii bikradnimada,

    15markaas gabadha aabbaheed iyo hooyadeed ha soo qaadeen calaamadihii bikradnimada gabadhooda, oo odayaasha magaalada ha ugu keeneen iridda magaalada,

    16oo markaas gabadha aabbaheed odayaasha ha ku yidhaahdo, Anigu gabadhayda ayaan ninkan siiyey inuu guursado, oo imminkana wuu neceb yahay,

    17oo bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.

    18Oo markaas odayaasha magaaladaasu waa inay ninka qabtaan oo ay edbiyaan,

    19oo weliba waa inay ku ganaaxaan boqol sheqel oo lacag ah oo ay siiyaan gabadha aabbaheed, maxaa yeelay, isagu magac ceeb ah buu u soo jiiday bikrad reer binu Israa'iil ah. Iyana naagtiisii ha ahaato, oo isna cimrigiisa oo dhan waa inuusan furin.

    20Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,

    21markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

    22¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.

    23¶ Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado,

  • 86%

    25¶ Laakiinse haddii nin duurka ka helo gabadh nin u doonan, oo uu ninku gabadhaas xoogo oo la jiifsado, markaas ninka iyada la jiifsaday keliyahu waa inuu dhintaa,

    26laakiinse gabadha waxba ha yeelin, maxaa yeelay, gabadha dembi dhimasho istaahilaa kuma jiro, waayo, xaalkanu wuxuu la mid yahay markii nin deriskiisa ku kaco oo dilo,

    27waayo, iyada wuxuu ka helay duurka, oo gabadha ninka u doonanuna way qaylisay oo cid iyada badbaadisana la ma arag.

    28¶ Haddii nin helo gabadh bikrad ah oo aan ninna u doonanayn, oo intuu qabsado uu iyada la jiifsado, oo markaas iyaga la helo,

    29markaas ninkii gabadha la jiifsaday waa inuu gabadha aabbaheed siiyaa konton sheqel oo lacag ah. Iyana naagtiisa ha ahaato, maxaa yeelay, isagu ceeb buu ku hoosaysiiyey, oo isna waa inuusan furin cimrigiisa oo dhan.

  • Sharc 17:4-7
    4 aayado
    85%

    4haddii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah,

    5kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.

    6Oo kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin.

    7Oo markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 79%

    10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

    11Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    12Oo haddii nin la seexdo gabadh uu soddog u yahay, sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; iyagu waxay sameeyeen wax qas ah, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    13Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    14Oo haddii nin wada guursado naag iyo hooyadeed, taasu waa shar, oo isaga iyo labadoodaba waa in dhammaantood dab lagu gubaa, si aan sharu idiinku dhex jirin.

    15Oo haddii nin neef xayawaan ah kudo, sida xaqiiqada ah waa in ninkaas la dilaa, oo neefkana waa inaad gowracdaan.

    16Oo naaguna hadday u dhowaato neef xayawaan ah, oo ay u jiifsato, naagta iyo neefkaba waa inaad dishaan, sida xaqiiqada ah waa in labadoodaba la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 21Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.

  • 20Oo ku alla kii la seexda naag addoon ah oo nin u doonan, oo aan la madax furin ama aan la xorayn, markaas waa in iyaga la ciqaabaa, laakiinse waa inaan iyaga la dilin, maxaa yeelay, iyadu xor ma ay ahayn.

  • 13oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,

  • Bax 22:16-17
    2 aayado
    76%

    16¶ Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.

    17Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.

  • 75%

    24Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.

    25Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.

  • 75%

    10Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

    11Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

  • 12waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee.

  • 2¶ Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba,

  • 1¶ Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.

  • 73%

    10Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.

    11Waayo, kaasu waa dembi baas, Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,

  • 12markaas waa inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.

  • 12¶ Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.

  • 3Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,

  • 30Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.

  • 19markaas waa inaad ku samaysaan siduu damcay inuu walaalkiis ku sameeyo, oo sidaas waa inaad dhexdiinna sharka uga saartaan.

  • 11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 14Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.

  • 14Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.

  • 40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.