Sharciga Kunoqoshadiisa 17:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 13:6-9 : 6 ¶ Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona, 7 ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale, 8 kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga, 9 laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen. 10 Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 11 Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale. 12 ¶ Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan, 13 iyadoo la leeyahay, Dad waxmatarayaal ah baa dhexdiinna ka baxay oo waxay jiiteen dadkii magaaladooda degganaa, iyagoo leh, Ina keena oo aynu u adeegno ilaahyo kale, kuwaasoo aydaan aqoon, 14 markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey, 15 markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya. 16 Oo alaabteeda dhaca ah oo dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono. 17 Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo, 18 markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
  • Sharc 17:5 : 5 kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.
  • Yash 7:11 : 11 Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.
  • Yash 7:15 : 15 Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.
  • Yash 23:16 : 16 Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
  • Xaak 2:20 : 20 Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;
  • 2 Boq 18:12 : 12 maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
  • Hos 6:7 : 7 Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.
  • Hos 8:1 : 1 ¶ Buunka afkaaga saar. Cadowgu sidii gorgor buu u imanayaa guriga Rabbiga, maxaa yeelay, dadku axdigaygay jebiyeen, oo sharcigaygiina way ku xadgudbeen.
  • Cib 8:9-9 : 9 Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay. 10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
  • Laaw 26:15 : 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,
  • Laaw 26:25 : 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.
  • Sharc 4:23 : 23 Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.
  • Yer 31:32 : 32 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yex 16:38 : 38 Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.
  • Sharc 29:18 : 18 waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,
  • Sharc 29:25 : 25 Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar,
  • Sharc 31:20 : 20 Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 17:3-5
    3 aayado
    82%

    3oo intuu taga u adeega ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin,

    4haddii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah,

    5kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.

  • 78%

    10Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

    11Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

    12¶ Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan,

    13iyadoo la leeyahay, Dad waxmatarayaal ah baa dhexdiinna ka baxay oo waxay jiiteen dadkii magaaladooda degganaa, iyagoo leh, Ina keena oo aynu u adeegno ilaahyo kale, kuwaasoo aydaan aqoon,

    14markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey,

  • 1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 76%

    17waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)

    18waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,

  • Sharc 13:6-7
    2 aayado
    76%

    6¶ Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona,

    7ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale,

  • 15Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.

  • 16Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 75%

    20Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,

    21markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

    22¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.

    23¶ Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado,

    24markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.

  • 15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

  • Tir 5:12-13
    2 aayado
    74%

    12Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto,

    13oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,

  • 6Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,

  • 74%

    9¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.

    10Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,

  • 27(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

  • 20laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,

  • 26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

  • 17Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan,

  • 12Haddaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 12Oo ninkii kibra oo diidaa inuu maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka, ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan.

  • 12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.

  • 11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 17Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.

  • Laaw 17:8-9
    2 aayado
    73%

    8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 5¶ Naagu waa inayan xidhan waxa nin leeyahay, oo ninna waa inuusan guntan dhar naageed, waayo, ku alla kii waxaa sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 18si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 2Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,

  • 11oo uusan waxyaalaha waajibka ku ah samayn, laakiinse uu buuraha wax ku cunay, oo uu naagtii deriskiisana nijaaseeyey,

  • 19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

  • 7Oo markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 29Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

  • 31Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.

  • 16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

  • 17¶ Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.