Sharciga Kunoqoshadiisa 18:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 12:29-31 : 29 ¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu hortiinna ka wada gooyo quruumaha aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo aad hantidaan ee aad dalkooda iska degtaan, 30 digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda? Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye. 31 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.
  • Laaw 18:26-27 : 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)
  • Laaw 18:30 : 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 82%

    10Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,

    11ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla.

    12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.

    13Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan.

    14¶ Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan.

  • 24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

  • 79%

    29¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu hortiinna ka wada gooyo quruumaha aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo aad hantidaan ee aad dalkooda iska degtaan,

    30digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda? Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye.

    31Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.

  • 79%

    26Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,

    27(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

    28si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.

    29Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

    30Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 3Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon.

  • 23Oo waa inaydaan ku socon caadooyinkii quruuntii aan hortiinna ka eryayo, waayo, iyagu waxyaalahaas oo dhan ayay samayn jireen, oo sidaas daraaddeed ayaan u karhay.

  • Bax 34:15-17
    3 aayado
    77%

    15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

    16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

    17Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

  • 77%

    25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

    26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

  • 3¶ Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 11Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

  • 7Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,

  • 75%

    21Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    22Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo.

  • 16Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 14markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey,

  • 4haddii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah,

  • 25Waa inaydaan cunin, si aad u nabdoonaataan idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba, markaad yeeshaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.

  • Sharc 17:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

    2¶ Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba,

  • 18¶ Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.

  • 31Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 29Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.

  • 14Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,

  • 12Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,

  • 25¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,

  • 2Rabbigu wuxuu leeyahay, Ha baranina jidka quruumaha, oo hana ka nixina calaamadaha samada, waayo, quruumahaa ka naxa iyaga.

  • 32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

  • 9Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.

  • 1¶ Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu wada gooyo quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dalkooda idin siinayo oo aad meeshooda gashaan ee aad degtaan magaalooyinkooda iyo guryahooda,

  • 3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

  • 17waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)

  • 12Haddaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,

  • 7ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale,

  • 9¶ Markaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad wax kasta oo shar ah iska jirtaan.

  • 4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.