Sharciga Kunoqoshadiisa 18:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 19:31 : 31 Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Laaw 19:26 : 26 Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.
  • Bax 22:18 : 18 ¶ Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.
  • Sharc 12:31 : 31 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.
  • 2 Boq 17:17 : 17 Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.
  • Ish 47:13 : 13 Waxaad ku daashay talooyinkaagii tirada badnaa, haddaba xiddigayaqaannada, iyo xiddigasheegyada, iyo xilliyasheegyaduba ha sara joogsadeen, oo ha kaa badbaadiyeen waxyaalaha kugu soo degi doona.
  • Fal 19:19 : 19 Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah.
  • Gal 5:20 : 20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,
  • Yer 19:4-6 : 4 Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin. 5 Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin. 6 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda.
  • Yer 32:35 : 35 Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.
  • 2 Boq 21:6 : 6 Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.
  • 1 Taar 10:13 : 13 Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto,
  • 2 Taar 28:3 : 3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
  • 2 Taar 33:6 : 6 Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.
  • Sab 106:37-38 : 37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo, 38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
  • Ish 8:19-20 : 19 ¶ Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood? 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
  • 1 Sam 28:3 : 3 ¶ Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.
  • 1 Sam 28:7 : 7 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.
  • 1 Sam 28:9 : 9 Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?
  • 2 Boq 16:3 : 3 Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
  • Laaw 20:2-5 : 2 Weliba waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama shisheeyayaasha idin dhex deggan ka mid ah, oo carruurtiisa Moleg siiya, sida xaqiiqada ah kaas waa in la dilaa, oo dadka dalka degganu waa inay dhagax la dhacaan. 3 Oo anna qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa, oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa, maxaa yeelay, wuxuu carruurtiisii siiyey Moleg, oo sidaasuu meeshayda quduuska ah ku nijaaseeyey oo uu magacayga quduuska ahna wax nijaas ah kaga sheegay. 4 Oo haddii dadka dalka degganu ay ninkaas indhahooda ka qarsadaan oo ayan isaga dilin markuu carruurtiisa Moleg siiyo, 5 markaas aniga ayaa ninkaas iyo reerkiisaba ka gees noqon doonaa, oo isaga iyo in alla intii raacda inay Moleg u daba galaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, waxaan ka dhex gooyn doonaa dadkooda.
  • Laaw 20:26-27 : 26 Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan. 27 ¶ Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.
  • Laaw 18:21-30 : 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 22 Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo. 23 Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan. 24 ¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale. 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa. 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    11ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla.

    12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.

  • 9¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.

  • 18¶ Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.

  • 6Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.

  • 14¶ Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan.

  • 21Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 17Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.

  • 31Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 76%

    30digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda? Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye.

    31Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.

  • 6Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.

  • 12Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal.

  • 27¶ Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 26Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.

  • Laaw 20:5-6
    2 aayado
    74%

    5markaas aniga ayaa ninkaas iyo reerkiisaba ka gees noqon doonaa, oo isaga iyo in alla intii raacda inay Moleg u daba galaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, waxaan ka dhex gooyn doonaa dadkooda.

    6Oo qof alla qofkii u jeesta xagga kuwa ruuxaanta leh iyo saaxiriinta, oo iyaga u daba gala sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, sida xaqiiqada ah anigu qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa.

  • Sharc 17:1-4
    4 aayado
    73%

    1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

    2¶ Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba,

    3oo intuu taga u adeega ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin,

    4haddii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah,

  • 19¶ Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood?

  • 10Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.

  • Bax 34:15-17
    3 aayado
    72%

    15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

    16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

    17Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

  • 70%

    25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

    26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

  • 3Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 11Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

  • 18si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 9Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.

  • 12Haddaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay.

  • Sharc 7:3-4
    2 aayado
    69%

    3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

    4Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.

  • 3¶ Laakiinse wiilasha saaxiradda, oo ah farcankii dhillayga iyo dhilladu ay iska dhaleenow, bal halkan u soo dhowaada.

  • 1¶ Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.

  • 14markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey,

  • 8kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga,

  • 3Oo Masriyiinta ruuxooduna wuu ka dhammaan doonaa, oo taladooda waan baabbi'in doonaa, oo waxay talo u doonan doonaan sanamyada, iyo falanfallowyada, iyo kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta.

  • 9Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.

  • 4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 25¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,

  • 6¶ Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona,

  • 2Weliba waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama shisheeyayaasha idin dhex deggan ka mid ah, oo carruurtiisa Moleg siiya, sida xaqiiqada ah kaas waa in la dilaa, oo dadka dalka degganu waa inay dhagax la dhacaan.

  • 17¶ Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.

  • 18waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,