Sharciga Kunoqoshadiisa 2:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 7:2 : 2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
  • Sharc 20:16 : 16 Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin,
  • Sharc 29:7-8 : 7 Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay. 8 Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.
  • Yash 10:30-42 : 30 oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo. 31 ¶ Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Libnaah, oo waxay tageen Laakiish, kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda oo dagaal ku qaadeen; 32 oo Rabbigu wuxuu Laakiish geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyana qabsaday maalintii labaad, oo dadkii ku jiray oo dhan wuxuu ku laayay seef, oo wuxuu u galay sidii uu Libnaah u galay oo kale. 33 ¶ Markaasaa Laakiish waxaa u soo hiiliyey boqorkii Geser oo ahaa Horaam, kolkaasaa Yashuuca laayay isagii iyo dadkiisiiba, ilaa uusan waxba ka reebin. 34 ¶ Markaasay Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu dhaafeen Laakiish oo waxay tageen Cegloon; kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda, oo dagaal ku qaadeen; 35 oo maalintaasay iyana qabsadeen oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, oo maalintaasuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey Laakiish oo kale. 36 ¶ Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Cegloon oo waxay tageen Xebroon, wayna la dirireen, 37 oo iyana way qabsadeen, oo waxay ku wada laayeen seef dadkeedii iyo boqorkeedii iyo magaalooyinkeedii oo dhan iyo dadkii ku jiray oo dhanba; waxba kama reebin, sidii uu Cegloon ku sameeyey oo kale, laakiinse wuu wada baabbi'iyey iyadii iyo dadkii ku jiray oo dhanba. 38 ¶ Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen Debiir, oo dagaal bay ku qaadeen. 39 Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba. 40 ¶ Sidaasuu Yashuuca u wada laayay dadkii dalkii oo dhan, kaas oo ahaa waddankii buuraha ahaa, iyo xaggii Koonfureed, iyo dooxooyinkii, iyo dhaadhacyadii, iyo xataa boqorradoodii oo dhan, oo waxba kama uu reebin; laakiinse wuu wada baabbi'iyey intii neefsanaysay oo dhan, sidii uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ku amray. 41 Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon. 42 Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.
  • Yash 21:44 : 44 Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka nasiyey dadkii ku wareegsanaa, siduu awowayaashood ugu dhaartay oo dhan: oo nin cadaawayaashoodii oo dhan ka mid ihi hortooda isma taagin, oo Rabbigu cadaawayaashoodii oo dhan gacantuu u soo geliyey.
  • Xaak 1:4 : 4 Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
  • Xaak 7:2 : 2 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.
  • Bil 14:20 : 20 Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.
  • Tir 21:24 : 24 Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa.
  • Sharc 3:2-3 : 2 Markaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa. 3 Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 3:1-4
    4 aayado
    84%

    1¶ Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii.

    2Markaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

    3Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.

    4Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay, oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.

  • 84%

    29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

    30Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.

    31Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide.

    32Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.

  • 81%

    34Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin.

    35Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.

    36Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

  • Sharc 3:6-8
    3 aayado
    81%

    6Oo dhammaantood waynu wada duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba.

    7Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka.

    8Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.

  • Sharc 29:7-8
    2 aayado
    79%

    7Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.

    8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • 79%

    20Laakiinse Siixon ma aaminin reer binu Israa'iil inay dhex maraan dalkiisii; laakiinse Siixon wuxuu soo urursaday dadkiisii oo dhan, oo intuu Yahas soo degay ayuu reer binu Israa'iil la diriray.

    21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.

  • Tir 21:34-35
    2 aayado
    78%

    34Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

    35Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.

  • 10Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

  • 76%

    10Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa

    11Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

  • 4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

  • 30oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

  • 13oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,

  • 8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 18Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo.

  • 10iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.

  • Tir 21:23-24
    2 aayado
    73%

    23Siixonse uma uu oggolaan in reer binu Israa'iil soohdintiisa soo dhex maraan; laakiinse Siixon dadkiisii oo dhan ayuu soo urursaday oo ku soo baxay reer binu Israa'iil oo cidlada jooga, oo wuxuu yimid Yahas, oo uu reer binu Israa'iil la diriray.

    24Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa.

  • 30Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • 32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.

  • 39Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba.

  • 24¶ Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.

  • 2oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.

  • 10iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon,

  • 11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

  • 24Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.

  • 26Oo sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin.