Sharciga Kunoqoshadiisa 26:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 27:30 : 30 ¶ Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.
  • Tir 18:24 : 24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
  • Sharc 12:17-19 : 17 Laakiin idiinma bannaana inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan meeltobnaadka hadhuudhkiinna, ama kan khamrigiinna, ama kan saliiddiinna, ama curadyada lo'diinna iyo adhigiinna, ama wax alla wixii aad nidartaan, amase qurbaannada aad ikhtiyaarkiinna u bixisaan, amase qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, 18 laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba. 19 Haddaba digtoonaada, oo reer Laawi ha dayrinina in alla intaad dalkiinna ku nooshihiin oo dhan.
  • Sharc 14:22-29 : 22 ¶ Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan. 23 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba. 24 Oo haddii jidku kugu dheer yahay, oo aad u qaadi kari weydo, meesha kaa fog aawadeed oo uu Rabbiga Ilaahaaga ahu u dooranayo inuu magiciisa dhigo, markii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku barakeeyo, 25 markaas waa inaad lacag u beddeshaa, oo aad lacagta gacanta ku qabsataa, oo markaas waa inaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu dooranayo, 26 oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan. 27 Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha. 28 ¶ Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda. 29 Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.
  • Sharc 16:14 : 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
  • Maah 14:21 : 21 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
  • Fil 4:18-19 : 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh. 19 Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta.
  • Cib 7:5 : 5 Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim.
  • Cib 7:9 : 9 Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    26oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan.

    27Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.

    28¶ Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.

    29Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

  • 13Oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan illoobin iyagii.

  • 11Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba.

  • 14Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.

  • 76%

    10Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.

    11Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo.

  • 76%

    22¶ Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.

    23Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba.

  • 76%

    17Laakiin idiinma bannaana inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan meeltobnaadka hadhuudhkiinna, ama kan khamrigiinna, ama kan saliiddiinna, ama curadyada lo'diinna iyo adhigiinna, ama wax alla wixii aad nidartaan, amase qurbaannada aad ikhtiyaarkiinna u bixisaan, amase qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan,

    18laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba.

    19Haddaba digtoonaada, oo reer Laawi ha dayrinina in alla intaad dalkiinna ku nooshihiin oo dhan.

  • 76%

    19¶ Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.

    20¶ Oo markaad geedkaaga saytuunka ah midhaha ka garaacdid, mar dambe laamaha ha ku noqon. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.

    21Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.

  • 75%

    7¶ Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.

    8¶ Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan.

    9Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.

    10Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.

    11Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.

  • 26Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa.

  • Bax 23:10-11
    2 aayado
    72%

    10¶ Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

    11laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.

  • 18Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.

  • 12Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig, iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona.

  • 14Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.

  • Nex 10:37-38
    2 aayado
    72%

    37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.

    38Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda.

  • 17¶ Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,

  • 71%

    16Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.

    17Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

  • Sharc 12:6-7
    2 aayado
    71%

    6Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.

    7Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.

  • 10Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.

  • 1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,

  • 22¶ Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 30Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.

  • 10Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 11¶ Oo markii Rabbigu ku geeyo dalka reer Kancaan siduu ugu dhaartay adiga iyo awowayaashaaba, oo uu ku siiyo,

  • 35¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado sidii shisheeye iyo nin socoto ah.

  • 6iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,

  • 16Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.

  • 14¶ Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.

  • 25Waa inaydaan cunin, si aad u nabdoonaataan idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba, markaad yeeshaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.

  • 4Si kastaba ha ahaatee mid miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan,)

  • 10Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 24Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.

  • 22Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.