Baxniintii 23:16
Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.
Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
21Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.
22Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa.
23Sannaddiiba saddex goor waa inay labkiinna oo dhammu ka hor yimaadaan Rabbiga Ilaaha ah, Ilaaha reer binu Israa'iil.
13¶ Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah.
14Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
15Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.
16Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.
10Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.
39¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.
40Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah.
17Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
26¶ Oo weliba maalinta midhaha hore la goosto, markaad qurbaan hadhuudh oo cusub Rabbiga ugu bixisaan iidda toddobaadyada waa inaad shir quduus ah yeelataan; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.
9¶ Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad.
10Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.
14¶ Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.
15Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,
2waa inaad keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.
10¶ Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,
11laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.
9¶ Oo markaad goosataan waxa dhulkiinna ka soo baxa waa inaydaan midhaha ka wada goosan rukummada beertiinna, oo weliba waa inaydaan soo urursan xaaxaabka beergoosadkiinna.
13Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno.
35iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,
5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.
3Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.
4Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin.
5Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn.
4¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.
11Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.
12Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.
25Oo midhahoodana waxaad cuni doontaan sannadda shanaad, si ay midhahoodu idiinku soo baxaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
10Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.
6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.
22¶ Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
22¶ Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.
12¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.
22Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.
30Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.
29Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad; sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxa; oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay; sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beera canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
19¶ Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.
4Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna.
17Oo waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood, oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan midhaha ugu horreeya.
2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.
10Markaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi, Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda, oo ah Iidda Waababka,
25¶ Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.
20Sannad kasta adiga iyo reerkaaguba waa inaad kuwaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbigu dooranayo.
37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.
30¶ Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.