Laawiyiintii 23:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 23:4 : 4 ¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.
  • Laaw 23:37 : 37 ¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.
  • Hos 2:11 : 11 Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba.
  • Sab 81:3 : 3 Buunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
  • Bax 23:14-17 : 14 ¶ Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa. 15 Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan. 16 Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay. 17 Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
  • Tir 10:10 : 10 Oo weliba maalintii aad faraxdaan, iyo markaad iidihiinna la amray dhawrtaan, iyo markay bilaha idiin dhashaan, waa inaad turumbooyinka ku dul dhawaajisaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryada qurbaannadiina nabaadiinada ah, oo iyana xusuus bay idiinku noqon doonaan Ilaahiinna hortiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Tir 29:39 : 39 ¶ Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada.
  • Yoel 2:15 : 15 ¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa.
  • Yoon 3:5-9 : 5 Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah. 6 ¶ Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay. 7 Oo wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin. 8 Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira. 9 Bal yaa og in Ilaah ka noqon doono oo cadhadiisa kulul ka jeesan doono iyo in kale, si aynaan u halligmin?
  • Nax 1:15 : 15 Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.
  • Yoox 5:1 : 1 ¶ Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay.
  • Kol 2:1 : 1 ¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan sida weyn oo aan idiinku dadaalayo idinka iyo kuwa La'odikiya jooga iyo in alla intii aan arag wejigayga anoo nool;
  • 2 Boq 10:20 : 20 Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.
  • 2 Taar 30:5 : 5 Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.
  • Bax 32:5 : 5 Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga.
  • Laaw 23:21 : 21 Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
  • Ish 1:13-14 : 13 Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi. 14 Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay.
  • Ish 33:20 : 20 Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.
  • Bar 1:4 : 4 Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.
  • Yoel 1:14 : 14 Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
  • Laaw 23:44 : 44 Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.
  • Tir 10:2-3 : 2 Laba turumbo oo lacag ah samayso, oo waxaad iyaga ka samaysaa lacag la tumay, oo waa inaad u isticmaashaa ururka markaad isugu yeedhayso iyo markay xerooyinkii guurayaan. 3 Oo markii iyaga laga dhawaajiyo, ururka oo dhammu waa inay kuugu soo shiraan iridda teendhada shirka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 23:3-9
    7 aayado
    90%

    3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

    4¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.

    5Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.

    6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

    7Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

    8Laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

    9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 84%

    33¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    34La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa.

    35Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

    36Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.

    37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

    38Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.

    39¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.

  • 44Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.

  • 14¶ Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.

  • Laaw 19:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

  • 21Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 12¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.

  • 26¶ Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.

  • 16Maalinta kowaad waxaa idiin ahaan doona shir quduus ah, maalinta toddobaadna shir quduus ah. Wax shuqul ah maalmahaas waa inaan la qaban, waxa qof kastaaba cuno mooyaane, taas oo keliya baa la samayn karaa.

  • Bax 31:12-13
    2 aayado
    75%

    12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    13Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya.

  • 75%

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    24Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah.

  • 22Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Tir 28:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil amar, oo waxaad ku tidhaahdaa, Qurbaankayga oo ah cuntada qurbaannada dabka la iigu sameeyo oo carafta udgoon ii ah waa inaad dhawrtaan inaad wakhtigoodii bixisaan.

  • Tir 28:25-26
    2 aayado
    74%

    25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

    26¶ Oo weliba maalinta midhaha hore la goosto, markaad qurbaan hadhuudh oo cusub Rabbiga ugu bixisaan iidda toddobaadyada waa inaad shir quduus ah yeelataan; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

  • Bax 23:16-17
    2 aayado
    74%

    16Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.

    17Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 18Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

  • 20oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 15Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.

  • 41Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

  • 2Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.

  • 14Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,