Sharciga Kunoqoshadiisa 26:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, hoygaaga quduuska ah oo samada ah hoos ka soo fiiri oo barakee dadkaaga reer binu Israa'iil, iyo dhulkii aad na siisay oo aad ugu dhaaratay awowayaashayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 63:15 : 15 Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.
  • Sak 2:13 : 13 Binu-aadmiga oo dhammow, Rabbiga hortiisa ku aamusa, waayo, isagu waa ka soo kacay hoygiisii quduuska ahaa.
  • Ish 66:1-2 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa? 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
  • Yer 31:23 : 23 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.
  • Fal 7:49 : 49 Samadu waa carshigayga, Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto, Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
  • 1 Boq 8:27 : 27 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa!
  • 1 Boq 8:43 : 43 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
  • Sab 28:9 : 9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
  • Sab 51:18 : 18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
  • Sab 90:17 : 17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
  • Sab 102:19-20 : 19 Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada, 20 Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
  • Sab 115:12-15 : 12 Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa. 13 Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba. 14 Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba. 15 Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.
  • Sab 137:5-6 : 5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii. 6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
  • Ish 57:15 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.
  • Ish 61:1 : 1 ¶ Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada,
  • Cib 6:13-18 : 13 ¶ Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay, 14 isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa. 15 Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday. 16 Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, 17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,
  • Sharc 26:7 : 7 Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.
  • Mat 6:9 : 9 ¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    9oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

    10Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.

  • 22Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,

  • 9iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 3Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • 5si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.

  • 8Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan.

  • 5Oo markii Rabbigu idin geeyo dalka reer Kancaan iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo, kaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, de markaas waa inaad bishan dhexdeeda dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.

  • 3oo waxaad ku qortaan erayada sharcigan oo dhan markaad gudubtaan inaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sidii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • 24Laakiinse waxaan idinku idhi, Idinka ayaa dalkoodii dhaxli doona, oo hanti ahaan ayaan idiin siinayaa, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soocay dadyowga.

  • 15Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.

  • 15Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • Sharc 26:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,

    2waa inaad keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.

    3Oo waa inaad u timaadaa wadaadka waagaas joogi doono, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan maanta u qirayaa Rabbiga Ilaahaaga ah inaan imid dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaasheen inuu ina siinayo.

  • 19iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.

  • 13wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.

  • 10Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 17oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 13Oo waxaan idin siiyey dal aydnaan u hawshoon, iyo magaalooyin aydnaan dhisan, oo waad iska dhex degtaan, oo waxaad ka cuntaan canab iyo saytuun aydnaan beeran.

  • 6waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • 16¶ Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.

  • Sharc 8:7-8
    2 aayado
    73%

    7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

    8Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,

  • 8Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

  • 25Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

  • 25markaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay.

  • 20Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.

  • 72%

    11Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.

    12Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan.

  • 56Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.

  • 8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • 4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 11¶ Oo markii Rabbigu ku geeyo dalka reer Kancaan siduu ugu dhaartay adiga iyo awowayaashaaba, oo uu ku siiyo,

  • 52oo dhegahaagu ha maqleen baryootanka addoonkaaga iyo baryootanka dadkaaga reer binu Israa'iil si aad u maqashid mar alla markay kuu qayshadaanba,

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • 18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 14Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya, waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan.

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 15Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.

  • 12Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.

  • 21in cimrigiinna iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya.

  • 14Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iska leh samada, iyo samada samooyinka, iyo dhulka, iyo waxa ku jira oo dhanba.

  • 12oo waa dal Rabbiga Ilaahiinna ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.

  • 27de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,

  • 3Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo, Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.

  • 8oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • 14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.