Sharciga Kunoqoshadiisa 28:63

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 1:26 : 26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
  • Yer 32:41 : 41 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
  • Sharc 30:9 : 9 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale,
  • Yex 5:13 : 13 Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.
  • Ish 1:24 : 24 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
  • Saf 3:17 : 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
  • Luuk 15:6-9 : 6 Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? 7 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn. 8 ¶ Ama naagtee baa toban daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? 9 Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
  • Luuk 15:23-24 : 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno, 24 waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan.
  • Luuk 15:32 : 32 laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.
  • Ish 62:5 : 5 Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.
  • Yer 12:14-15 : 14 ¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda. 15 Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.
  • Yer 18:7 : 7 Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,
  • Yer 24:6 : 6 Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.
  • Yer 31:28 : 28 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in sidaan iyaga ugu dhawray inaan rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan afgembiyo, oo aan baabbi'iyo, oo aan wada dhibo, sidaas oo kale ayaan iyaga ugu dhawri doonaa inaan dhiso, oo aan beero.
  • Yer 31:40 : 40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
  • Yex 33:11 : 11 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan innaba farxad ka helayn dhimashada sharrowga, laakiinse waxaan jeclahay in sharrowgu uu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado. Soo noqda, jidkiinna ka soo noqda, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
  • Daan 7:8 : 8 Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
  • Miik 7:18 : 18 Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.
  • Sharc 7:22 : 22 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
  • Yer 42:10 : 10 Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey.
  • Yer 45:4 : 4 Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    15Oo siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

    16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 80%

    61Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan.

    62Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.

  • 20Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.

  • 79%

    20Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis.

    21Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

    22Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan.

  • 79%

    64Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona.

    65Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.

  • 78%

    24Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan.

    25Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.

  • 78%

    26waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan.

    27Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.

  • 77%

    51Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.

    52Oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan.

  • 38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 76%

    47maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya.

    48Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.

  • 76%

    27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

    28Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

  • 75%

    35Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.

    36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.

    37Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.

  • 9Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale,

  • 45Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

  • 29¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu hortiinna ka wada gooyo quruumaha aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo aad hantidaan ee aad dalkooda iska degtaan,

  • 23Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.

  • 19Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.

  • 17Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo,

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

  • 56Oo sidii aan ku talaggalay inaan iyaga ku sameeyo ayaan idinka idinku samayn doonaa.

  • 66Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.

  • 4Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.

  • 74%

    16markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

    17Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.

  • 18waxaan maanta idiin caddaynayaa inaad hubaal halligmaysaan, oo cimrigiinnu ku dheeraan maayo dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad gashaan oo aad hantidaan.

  • 74%

    32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

    33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

  • 5markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keeni doonaa dalkii awowayaashiin mar hore hantiyeen, oo idinna waad hantiyi doontaan, oo wanaag buu idiin samayn doonaa, wuuna idinka sii badin doonaa intii awowayaashiin ahaan jireen.

  • 33Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,

  • 1¶ Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan,

  • 2oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.

  • 20Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.

  • 22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.

  • 23markaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn.

  • 42Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax.

  • 14Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa.