Sharciga Kunoqoshadiisa 33:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 19:47 : 47 Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.
  • Xaak 18:27 : 27 Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.
  • 1 Taar 12:35 : 35 Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.
  • Bil 49:16-17 : 16 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood. 17 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta, Iyo jilbis waddada dhex yaal, Oo fardaha cedhbaha ka qaniina, Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.
  • Xaak 13:2 : 2 ¶ Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.
  • Xaak 13:24-25 : 24 Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii. 25 Oo Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.
  • Xaak 14:6 : 6 Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.
  • Xaak 14:19 : 19 Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.
  • Xaak 15:8 : 8 Markaasuu aad iyo aad u laayay, dabadeedna intuu dhaadhacay ayuu degay dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam.
  • Xaak 15:15 : 15 Markaasuu helay daan dameer oo cusub, oo intuu gacantiisii fidiyey ayuu ku qaatay, oo wuxuu daankii ku laayay kun nin.
  • Xaak 16:30 : 30 Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 49:16-18
    3 aayado
    77%

    16Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood.

    17Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta, Iyo jilbis waddada dhex yaal, Oo fardaha cedhbaha ka qaniina, Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.

    18Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada.

  • 23Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.

  • 29Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.

  • 72%

    18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

    19Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.

    20Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.

    21Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.

  • 71%

    47Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.

    48Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

  • 9Yahuudah waa libaax dhashiis. Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay. Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar, Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?

  • 24Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

  • 6Raaxeelna waxay tidhi, Ilaah waa i xukumay, codkaygiina wuu maqlay, oo wiil buu i siiyey. Sidaas daraaddeed magiciisii waxay u bixisay Daan.

  • 9Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.

  • Tir 1:38-39
    2 aayado
    68%

    38¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    39intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.

  • 25¶ Oo dhanka woqooyina waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Daan siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Daanna waa inuu ahaadaa Axiiceser ina Cammiishadday.

  • 1¶ Haddana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.

  • 16Bururuftii fardihiisa dalka Daan baa laga maqlay, oo dalkii oo dhammuna wuxuu la gariiray dananiddii kuwiisa xoogga badan, waayo, way yimaadeen, oo waxay wada baabbi'iyeen dalkii, iyo wixii ku dhex jiray oo dhan, iyo magaalooyinkii iyo kuwii degganaa oo dhanba.

  • 6Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 31Oo kulli intii xerada reer Daan laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo toddoba iyo konton kun iyo lix boqol. Oo iyagu waa inay baxaan marka ugu dambaysa, iyagoo calammadooda ag jooga.

  • 34¶ Markaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.

  • 12Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.

  • 35Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.

  • 40¶ Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 22Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan.

  • Yex 19:2-3
    2 aayado
    66%

    2oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar.

    3Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 13Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Daan, iyo reer Naftaalina waa inay Buur Ceebaal habaar isla taagaan.

  • 4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • Xaak 18:1-2
    2 aayado
    66%

    1¶ Waagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

    2Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.

  • 27Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada; Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday, Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.

  • 14Kuwa ku dhaarta dembiga Samaariya oo yidhaahda, Daanow, waxaan ku dhaartay ilaahaaga, oo waxaan ku dhaartay jidka Bi'ir Shebac, way dhici doonaan oo mar dambena sooma ay kici doonaan.

  • 17Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.

  • 1¶ Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan,

  • 29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.

  • 22reer Daanna waxaa u talinayay Casareel ina Yeroxaam. Oo kuwaasu waxay ahaayeen saraakiishii qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

  • 12Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan, Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.

  • 27Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.

  • 12Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.

  • 8Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.

  • 19Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inuu degdeg uga cararo, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?

  • 25Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.