Sharciga Kunoqoshadiisa 33:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor. Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu Ay soo wada urureen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 32:15 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
  • Xaak 8:22 : 22 ¶ Markaasaa dadkii reer binu Israa'iil waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, Haddaba noo tali, adiga iyo wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisuba; maxaa yeelay, waad naga badbaadisay gacantii reer Midyaan.
  • Xaak 9:2 : 2 Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.
  • Xaak 17:6 : 6 Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
  • Bil 36:31 : 31 ¶ Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.
  • Bax 18:16 : 16 Oo markay wax isu haystaanna anigay ii yimaadaan, oo markaasaan u kala gar naqaa nin iyo deriskiisa, oo waxaan iyaga ogeysiiyaa amarrada Ilaah iyo qaynuunnadiisa.
  • Bax 18:19 : 19 Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.
  • Tir 16:13-15 : 13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid? 14 Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno. 15 Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin.
  • Tir 23:21 : 21 Isagu reer Yacquub dembi kuma uu arag, Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin. Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira, Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 33:3-4
    2 aayado
    75%

    3Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.

    4Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.

  • 21Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.

  • 2 Sam 5:2-3
    2 aayado
    70%

    2Waagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil.

    3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.

  • 1¶ Kolkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.

  • 15Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.

  • 70%

    2Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.

    3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.

  • 25Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay rag karti leh, oo wuxuu ka dhigay madaxdii dadka, oo ah kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya.

  • 14¶ Oo markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale,

  • 16Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 2Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 13Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.

  • 14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 7Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed ayaa Muuse amar iyaga ku saabsan siiyey wadaadkii Elecaasaar iyo Yashuuca ina Nuun iyo madaxdii reeraha qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

  • 9Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.

  • 1¶ Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.

  • 67%

    11Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

    12Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.

  • 13Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.

  • 5Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon.

  • 26Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.

  • 10¶ Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan,

  • 30¶ Kolkaasaa Muuse shirkii reer binu Israa'iil oo dhan dhegahoodii kula hadlay erayadii gabaygan ilaa ay wada dhammaadeen.

  • 9oo wuxuu boqor uga dhigay reer Gilecaad, iyo reer Ashuur, iyo Yesreceel, iyo reer Efrayim, iyo Benyaamiin, iyo reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 3Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 3Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.

  • 21Isagu reer Yacquub dembi kuma uu arag, Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin. Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira, Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • 50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman, Oo raggiisu yuusan yaraan.

  • 12Oo markii aad aragteen boqorkii Naaxaash ahaa oo reer Cammoon inuu idinku soo duulay, waxaad igu tidhaahdeen, Maya, laakiinse waa inuu boqor noo taliyaa; markaasna waxaa boqor idiin ahaa Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 5Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen.

  • 1¶ Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.