Sharciga Kunoqoshadiisa 5:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 24:12 : 12 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.
  • Bax 31:18 : 18 ¶ Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.
  • Sharc 4:12-15 : 12 Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii, oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin, waxaase keliyahoo aad maqasheen cod. 13 Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah. 14 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan. 15 ¶ Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,
  • Sharc 4:36 : 36 Oo isagu samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.
  • Sharc 5:4 : 4 Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay,
  • Bax 19:18-19 : 18 Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay. 19 Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    11Oo idinkuna waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro weyn.

    12Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii, oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin, waxaase keliyahoo aad maqasheen cod.

    13Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah.

    14Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan.

    15¶ Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,

  • 81%

    10Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.

    11Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.

  • Sharc 10:1-5
    5 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo buurta iigu kaalay, oo waxaad kaloo samaysataa sanduuq qori ah.

    2Oo looxyada waxaan ku qori doonaa erayadii ku yiil looxyadii hore oo aad jebisay, oo markaas waa inaad sanduuqa ku dhex riddaa.

    3Sidaas daraaddeed waxaan sanduuq ka sameeyey qori qudhac, oo waxaan soo qoray laba loox oo dhagax ah oo u eg kuwii hore, markaasaan buurta fuulay anigoo labadii loox gacmaha ku sida.

    4Oo isna wuxuu looxyadii ku qoray qorniinkii kuwii hore ku yiil oo kale, kaasoo ahaa tobankii qaynuun oo Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga, markaasaa Rabbigu iyagii i siiyey.

    5Oo markaasaan jeestay oo buurtii ka soo degay, oo looxyadiina waxaan ku dhex riday sanduuqii aan sameeyey, oo halkaasay ku jiraan, sidii Rabbigu igu amray.

  • 81%

    23Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna iyo duqowdiinnii oo dhanba,

    24oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay.

  • Sharc 5:4-5
    2 aayado
    78%

    4Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay,

    5(oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo isaguna wuxuu yidhi,

  • 12¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.

  • 15Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.

  • Bax 34:27-28
    2 aayado
    76%

    27Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan.

    28Oo halkaasuu Rabbiga la joogay afartan habeen iyo afartan maalmood, waxbana ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. Oo looxyadiina wuxuu ku qoray erayadii axdiga, kuwaas oo ah tobanka qaynuun.

  • 18¶ Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.

  • 16sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh,

  • Bax 34:1-5
    5 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay.

    2Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay.

    3Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin.

    4Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah.

    5Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.

  • 22¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.

  • 2Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna ayuu axdi inala dhigtay.

  • 34¶ Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.

  • 21¶ Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

  • 32Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay.

  • Bax 32:15-16
    2 aayado
    73%

    15¶ Markaasuu Muuse jeestay, oo buurtii hoos uga degay, isagoo labadii loox oo maragga ahaa gacanta ku sita, looxyadana wax baa kaga qornaa labadooda dhinacba; oo dhankan iyo dhankaasba wax qoran baa kaga yiil.

    16Oo looxyadu waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan.

  • 5¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Oo erayga aan idinku amrayo wax ha ku darina, waxna ha ka dhimina, si aad u dhawrtaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan idinku amrayo.

  • 1¶ Markaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu ku yidhi,

  • 36Oo isagu samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.

  • 13Waxaad weliba ku soo kor degtay Buur Siinay, oo iyagaad kala hadashay xagga samada, oo waxaad siisay xukummo qumman, iyo sharciyaal xaq ah, iyo qaynuunno wanwanaagsan, iyo amarro,

  • 1¶ Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

  • 1¶ Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.

  • 31Laakiinse adigu waxaad soo istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.

  • 18¶ Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii,

  • Bax 20:17-18
    2 aayado
    72%

    17¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

    18¶ Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.

  • 11¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,