Baxniintii 20:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 13:9 : 9 Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
  • Luuk 12:15 : 15 Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.
  • Room 7:7 : 7 ¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.
  • Cib 13:5 : 5 Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo.
  • Kol 3:5 : 5 ¶ Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,
  • Ef 5:3 : 3 Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
  • Mat 5:28 : 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay.
  • Miik 2:2 : 2 Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.
  • Yer 5:8 : 8 Waxay la mid noqdeen sidii fardo aroortii la barqiyey, oo midkood kastaaba wuxuu ka daba dananay naagtii deriskiisa.
  • Yer 22:17 : 17 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
  • Yex 33:31 : 31 Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.
  • Aam 2:6-7 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood. 7 Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.
  • Xab 2:9 : 9 ¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!
  • Mat 20:15 : 15 Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed?
  • Ef 5:5 : 5 Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.
  • 1 Kor 6:10 : 10 ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
  • Luuk 16:14 : 14 ¶ Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.
  • Fal 5:4 : 4 Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah.
  • Fal 20:33 : 33 Ma aan damcin ninna lacagtiis, ama dahabkiis, ama dharkiis.
  • Bil 3:6 : 6 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.
  • Bil 14:23 : 23 inaanan qaadanin miiq ama kab yeelmeheed ama wax adigu aad leedahay, waayo, waaba intaasoo aad tidhaahdaa, Anaa Aabraam hodan ka dhigaye.
  • Bil 34:23 : 23 Oo miyaan lo'dooda iyo alaabadooda iyo xayawaankooda oo dhammu noqon doonin kuweenna? Bal aynu yeelno uun, oo iyaguna way inala degganaan doonaan.
  • Yash 7:21 : 21 markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.
  • 1 Sam 15:19 : 19 Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa?
  • 2 Sam 11:2-4 : 2 ¶ Oo makhribkii ayaa Daa'uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka saqafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aragga aad bay u qurux badnayd. 3 Markaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo? 4 Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.
  • Ayuub 31:1 : 1 Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?
  • Ayuub 31:9 : 9 Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,
  • Sab 10:3 : 3 Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
  • Sab 119:36 : 36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
  • Maah 4:23 : 23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
  • Maah 6:24-25 : 24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad. 25 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
  • Wacd 4:8 : 8 Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.
  • Wacd 5:10-11 : 10 ¶ Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn. 11 Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane?
  • Ish 33:15 : 15 Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,
  • Ish 57:17 : 17 Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.
  • 1 Tim 6:6-9 : 6 ¶ Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay; 7 waayo, dunida waxba ma aynu keenin, waxbana ka qaadan kari mayno. 8 Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan. 9 Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag. 10 Waayo, jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.
  • Fil 3:19 : 19 oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    17¶ Waa inaadan qudh gooyn.

    18¶ Oo waa inaadan sinaysan.

    19¶ Oo waa inaadan waxba xadin.

    20¶ Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.

    21¶ Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

    22¶ Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.

  • Bax 20:13-16
    4 aayado
    84%

    13¶ Waa inaanad qudh gooyn.

    14¶ Waa inaanad sinaysan.

    15¶ Waa inaanad waxba xadin.

    16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

  • 20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

  • 75%

    16Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    17Waa inaadan walaalkaa qalbiga ka nebcaan, oo sida xaqiiqada ah waa inaad deriskaaga canaanataa, yaadan isaga daraaddiis dembi u qaadane.

    18Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 9Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

  • 75%

    11Waa inaydaan waxba xadin, oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin.

    12Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    13Waa inaadan deriskaaga dulmin, waana inaadan waxba ka dhicin. Oo shaqaale aad soo kiraysatay mushahaaradiisu yaanay habeenkii kugu baryin oo kugu gaadhin tan iyo subaxda dambe.

  • 14¶ Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.

  • Bax 20:9-10
    2 aayado
    74%

    9Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

    10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

  • Bax 20:3-5
    3 aayado
    74%

    3¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

    4¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

    5Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

  • 7¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

  • 14laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.

  • Mat 19:18-19
    2 aayado
    73%

    18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

    19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

  • 73%

    25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

    26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

  • 18¶ Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.

  • 10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

  • 19Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

  • Sharc 5:7-8
    2 aayado
    72%

    7¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

    8¶ Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

  • 17Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.

  • 14Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.

  • 10¶ Waa inaadan beer ku jeexin dibi iyo dameer wada jira.

  • 10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

  • 15oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,

  • 20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

  • Bax 23:12-13
    2 aayado
    71%

    12Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

    13Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

  • 31Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.

  • 14waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;

  • 29Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.

  • 10Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

  • 17Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 27¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.

  • 17Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.