Sharciga Kunoqoshadiisa 7:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 23:33 : 33 Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.
  • Xaak 8:27 : 27 Markaasaa Gidcoon wuxuu dahabkii ka sameeyey eefod, oo wuxuu dhigay magaaladiisii taasoo ahayd Coofraah; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, markaasuu dabin ku noqday Gidcoon iyo reerkiisiiba.
  • Sab 106:36 : 36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
  • Sharc 7:2 : 2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
  • Sharc 13:8 : 8 kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga,
  • Sharc 19:13 : 13 Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si aad u nabdoonaataan.
  • Sharc 19:21 : 21 Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.
  • Sharc 25:12 : 12 markaas waa inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.
  • Yash 23:13-16 : 13 markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey. 14 Bal eega, maanta waxaan mari doonaa jidka dadka dhulka jooga oo dhan; idinkuna waad ku og tihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, inaan wax keliyuhu ka baaqan kulli wixii wanaagsanaa oo Rabbiga Ilaahiinna ahu xaggiinna kaga hadlay; laakiinse kulligood way idiin wada ahaadeen oo mid keliyuhu kama baaqan. 15 Oo siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey. 16 Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
  • Xaak 2:3 : 3 Sidaas daraaddeed waxaa kaloo aan idhi, Hortiinna kama eryi doono iyaga, laakiinse waxay idinku noqon doonaan sida qodxan dhinacyada idinkaga jirta, oo ilaahyadooduna waxay idinku noqon doonaan dabin.
  • Xaak 2:12 : 12 Wayna ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, kuwaasoo ahaa ilaahyadii dadkii iyaga ku wareegsanaa, wayna u sujuudeen; oo Rabbigana way ka xanaajiyeen.
  • Xaak 3:6 : 6 Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
  • Sharc 12:30-31 : 30 digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda? Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye. 31 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.
  • Bax 34:12-16 : 12 Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna, 13 laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah, 14 waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah; 15 waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan, 16 oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.
  • Tir 33:55 : 55 Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.
  • Yer 21:7 : 7 Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.
  • 1 Kor 15:33 : 33 Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 7:1-4
    4 aayado
    84%

    1¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,

    2oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.

    3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

    4Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.

  • Sharc 13:7-9
    3 aayado
    78%

    7ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale,

    8kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga,

    9laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen.

  • 78%

    22Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.

    23Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.

    24Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.

    25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 77%

    17Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?

    18waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.

    19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

    20Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.

  • 76%

    15markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya.

    16Oo alaabteeda dhaca ah oo dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono.

    17Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo,

  • 75%

    13oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,

    14laakiinse dumarka iyo dhallaanka iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

    15Oo sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka quruumahan.

    16Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin,

    17illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,

    18si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Bax 23:32-33
    2 aayado
    75%

    32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

    33Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

  • 13Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si aad u nabdoonaataan.

  • Sharc 31:4-5
    2 aayado
    74%

    4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

    5Oo Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan.

  • 74%

    29¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu hortiinna ka wada gooyo quruumaha aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo aad hantidaan ee aad dalkooda iska degtaan,

    30digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda? Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye.

  • 13markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

  • 20Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.

  • 3Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.

  • 73%

    14Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,

    15maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa Ilaah masayr ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.

  • 63Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

  • 19oo aad cadaawayaashiinna oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.

  • 20Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.

  • 5Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina.

  • 7Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,

  • 24Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.

  • 51Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.

  • 38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 12Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,

  • 15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

  • 3Haddaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay.

  • 4Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.