Wacdiyihii 1:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 104:5 : 5 Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
  • Mat 24:35 : 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
  • Sak 1:5 : 5 Bal meeye awowayaashiin? Nebiyaduse miyey weligood iska noolaadaan?
  • Wacd 6:12 : 12 Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?
  • 2 But 3:10-13 : 10 ¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa. 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado, 12 idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan. 13 Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.
  • Sab 119:90-91 : 90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa. 91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
  • Sab 90:9-9 : 9 Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay. 10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
  • Sab 102:24-28 : 24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab. 25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga. 26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan, 27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan. 28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
  • Bil 5:3-9 : 3 Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed. 4 Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 5 Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay. 6 ¶ Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos. 7 Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 8 Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay. 9 ¶ Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan. 10 Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 11 Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay. 12 ¶ Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el. 13 Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 14 Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay. 15 ¶ Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared. 16 Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 17 Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay. 18 ¶ Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog. 19 Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 20 Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay. 21 ¶ Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax. 22 Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 23 Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood. 24 Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii. 25 ¶ Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg. 26 Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 27 Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay. 28 ¶ Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil: 29 magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray. 30 Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 31 Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
  • Bil 11:20-32 : 20 ¶ Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug. 21 Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 22 ¶ Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor: 23 Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 24 ¶ Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax; 25 Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 26 ¶ Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan. 27 ¶ Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud. 28 Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin. 29 Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah. 30 Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn. 31 Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen. 32 Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.
  • Bil 36:9-9 : 9 Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir. 10 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd. 11 Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas. 12 Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd. 13 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. 14 Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax. 15 Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, 16 ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah. 17 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. 18 Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah. 19 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii.
  • Bil 47:9 : 9 Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen.
  • Bax 1:6-7 : 6 Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen. 7 Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.
  • Bax 6:16-27 : 16 Kuwanuna waa reer Laawi magacyadoodii, iyo sidii farcankoodii kala ahaayeen; Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Oo Laawi cimrigiisii wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood. 17 Reer Gershoon, iyo sidii qolooyinkoodu kala ahaayeenna waa Libnii iyo Shimcii. 18 Reer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood. 19 Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen. 20 Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood. 21 Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii. 22 Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii. 23 Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 24 Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax. 25 Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen. 26 Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin. 27 Kuwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas.
  • Sab 89:47-48 : 47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa! 48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 1:5-11
    7 aayado
    83%

    5Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.

    6Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii.

    7Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan.

    8Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto.

    9Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.

    10Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey.

    11Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.

  • Wacd 1:2-3
    2 aayado
    76%

    2¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

    3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • Wacd 4:15-16
    2 aayado
    75%

    15Waxaan arkay inta nool ee qorraxda hoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarka meeshiisa istaagi doona.

    16Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 3:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an.

    2Waxaa jira wakhti la dhasho, iyo wakhti la dhinto; wakhti wax la beero, iyo wakhti wixii la beeray la gurto;

  • 16Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.

  • Cib 1:11-12
    2 aayado
    74%

    11Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,

    12Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.

  • Wacd 3:14-15
    2 aayado
    73%

    14Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.

    15Waxa haatan jiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horeba way u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore u dhaafay.

  • Wacd 3:19-20
    2 aayado
    73%

    19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

    20Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.

  • 31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.

  • 24Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?

  • Mat 24:34-35
    2 aayado
    72%

    34Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

    35Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • 4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.

  • 22Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.

  • 71%

    26Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,

    27Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.

  • 3Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.

  • 90Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.

  • 4Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.

  • 71%

    32Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin.

    33Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • 6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

  • 4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.

  • 17Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.

  • 19Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.

  • 3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • 12Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.

  • 16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

  • 8Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

  • 16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

  • 70%

    24Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;

    25¶ Laakiinse erayga Rabbigu weligiisba wuu waaraa. Haddaba kaasu waa eraygii warka wanaagsanaa oo laydinku wacdiyey.

  • 8Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.

  • 11Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • 13Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.

  • 14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 4oo waxay odhan doonaan, Ballankii imaatinkiisii meeh? Waayo, haatan iyo maalintii awowayaashii ay dhinteen wax waluba waxay u socdaan sidii ay ahaayeen tan iyo bilowgii abuurniinta.