Yo'eel 1:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 6:7 : 7 Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba.
  • Sab 78:3-8 : 3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen. 4 Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey. 5 Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed, 6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona, 7 Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa, 8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
  • Sab 145:4 : 4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
  • Ish 38:19 : 19 Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahadnaqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo. Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.
  • Bax 10:1-2 : 1 ¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Orod oo Fircoon u gal, waayo, qalbigiisii waan qallafiyey, iyo qalbiyadii addoommadiisa, inaan calaamooyinkaygan dhexdooda ka muujiyo, 2 iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.
  • Bax 13:14 : 14 Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;
  • Yash 4:6-7 : 6 in taasu idiin ahaato calaamo idin dhex taal, oo wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu idin weyddiiyaan, oo idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan? 7 Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood.
  • Yash 4:21-22 : 21 Markaasuu ka hadlay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu aabbayaashood weyddiiyaan, oo yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan? 22 Waxaad carruurtiinna ogeysiisaan, oo ku tidhaahdaan, Reer binu Israa'iil Webigan Urdun waxay kaga soo gudbeen dhul engegan.
  • Sab 44:1 : 1 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
  • Sab 71:18 : 18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 78:3-6
    4 aayado
    83%

    3Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.

    4Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.

    5Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,

    6Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,

  • 2¶ Odayaashow, kan maqla, oo dadka dalka degganow, dhammaantiin dhegta u dhiga. War tanu ma waxay dhacday wakhtigiinnii mase wakhtigii awowayaashiin?

  • 4Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay.

  • 7Bal xusuuso waagii hore, Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood, Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa, Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.

  • 13iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.

  • Sharc 4:9-10
    2 aayado
    75%

    9Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda.

    10Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan.

  • 6Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.

  • 19Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.

  • 27laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.

  • 4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.

  • 9Oo sidaas daraaddeed weli waan idinla muddacayaa, oo carruurtiinna carruurtoodana waan la muddici doonaa.

  • 2iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 2Oo bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,

  • 22Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday,

  • 6in taasu idiin ahaato calaamo idin dhex taal, oo wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu idin weyddiiyaan, oo idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan?

  • 1Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.

  • 4Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.

  • 13Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.

  • 7Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba.

  • 16Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 15Bal idinku weligiin xusuusta axdigiisa, Kaasoo ah hadalkiisii uu dadkii kun qarni ku amray;

  • 10Oo weliba dadkii qarnigaas oo dhammu waxay ku darmadeen awowayaashood; oo waxaa ka daba kacay kuwo qarni kale ah oo aan aqoon Rabbiga, ama shuqulkii uu u sameeyey reer binu Israa'iil.

  • 8Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,

  • 20¶ Wakhtiga iman doona markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Markhaatifurka iyo qaynuunnada iyo xukummada uu Rabbiga Ilaaheenna ahu idinku amray micnahoodu waa maxay?

  • 25¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,

  • 30Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.

  • 6Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 18(Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen, Oo ayan qarin,

  • 29Oo wakhtigaas iyagu mar dambe ma ay odhan doonaan, Aabbayaashii waxay cuneen canab dhanaan, carruurtiina way saliilyoodeen.

  • 8Oo carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa ha soo galeen shirka Rabbiga.

  • 2oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad wada xajisaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan idinku amrayo oo dhan. Waa inaad idinka iyo wiilashiinna iyo wiilashiinna wiilashooduba wada dhawrtaan intaad nooshihiin oo dhan in cimrigiinnu dheeraado.

  • 21in cimrigiinna iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya.

  • 18Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • 14Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;

  • 1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

  • 2¶ Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.

  • 8Haddaba tag, oo waxaad hortooda warkan ku qortaa loox, oo kitaabna ku qor, si uu wakhtiga soo socda markhaati ugu noqdo weligiis iyo weligiisba,

  • 24oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?

  • 6Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.