Sabuurradii 71:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 71:9 : 9 Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
  • Ish 46:4 : 4 Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa.
  • Sab 78:4 : 4 Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
  • Sab 78:6 : 6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
  • Sab 145:4-5 : 4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn. 5 Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
  • Bax 13:8 : 8 Maalintaas waa inaad wiilkaaga u sheegtaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa wixii Rabbigu ii sameeyey aawadood markii aan Masar ka soo baxay.
  • Bax 13:14-17 : 14 Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga; 15 oo markii Fircoon dooni waayay inuu na sii daayo, waxaa dhacday inuu Rabbigu wada laayay curadyadii Masar oo dhan oo ahaa curadyadii dadka iyo curadyadii duunyadaba; oo sidaas daraaddeed baan Rabbiga allabari ugu bixiyaa wax alla wixii maxal fura oo dhan, ee ah inta lab, laakiinse dadkayga curadyadiisa oo dhan wax baan ku madax furtaa. 16 Oo waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo wax ka laalaada indhahaaga dhexdooda; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu Masar nagaga soo bixiyey. 17 ¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.
  • 1 Sam 4:18 : 18 Oo markuu sanduuqii Ilaah wax uga sheegay, ayuu Ceelii dib uga dhacay kursigiisii iridda ag yiil, markaasuu qoorta ka jabay oo dhintay, waayo, wuxuu ahaa nin da' weyn oo culus. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray afartan sannadood.
  • Ish 51:9 : 9 ¶ Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday?
  • Ish 53:1 : 1 ¶ Bal yaa warkayagii rumaystay? Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
  • Sab 22:31 : 31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.
  • Bil 27:1 : 1 ¶ Markii Isxaaq gaboobay, oo ay indhihiisii u arag darnaayeen si uusan waxba arki karin, ayuu u yeedhay wiilkiisii weynaa oo Ceesaw ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu yidhi, Waa i kan.
  • Fal 13:36 : 36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;
  • 1 Taar 29:10-30 : 10 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato. 11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya. 12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta. 13 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa. 14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay. 15 Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro. 16 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh. 17 Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah. 18 Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi. 19 Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay. 20 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba. 21 ¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey. 22 Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado. 23 Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen. 24 Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen. 25 Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu. 26 ¶ Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan. 27 Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem. 28 Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan. 29 Haddaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa. 30 Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.
  • 1 Sam 4:15 : 15 Ceeliina wuxuu jiray siddeed iyo sagaashan sannadood, oo indhihiisuna dem bay ahaayeen oo waxba ma uu arki karin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 71:9-10
    2 aayado
    85%

    9Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.

    10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • Sab 71:16-17
    2 aayado
    81%

    16Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.

    17Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.

  • 76%

    23Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka, Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.

    24Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.

  • 19Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?

  • Sab 27:9-10
    2 aayado
    74%

    9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.

    10Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen, Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.

  • 21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.

  • 25Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay, Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey, Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.

  • 4Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa.

  • Sab 78:6-7
    2 aayado
    72%

    6Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,

    7Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 2Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?

  • 5Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.

  • 8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.

  • 2Oo haatan, bal eega, boqorkii wuu idin hor socdaaye, oo anigu waan gaboobay, waanan cirroobay; oo bal eega, wiilashaydiina way idinla joogaan, oo aniguna waxaan idin hor socday tan iyo yaraantaydii.

  • 3Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.

  • 11Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.

  • 14Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,

  • 4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.

  • 10Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.

  • 26Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.

  • 7Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.

  • 12Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.

  • 11Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.

  • 7Bal xusuuso waagii hore, Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood, Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa, Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 4Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.

  • 14Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 28Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.

  • 8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

  • 20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

  • 29Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.

  • 12Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 12Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.

  • 68%

    10Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood.

    11Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo.

  • 10Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn, Oo aabbahaa ka sii fil weyn.

  • 16Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.

  • 18Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.

  • 30Xataa dhallinyaradu way itaal darnaan doonaan, oo daali doonaan, oo barbaarraduna aad bay u dhici doonaan.

  • 10Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

  • 35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.

  • 1Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.