Ishacyaah 46:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 71:18 : 18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
  • Ish 43:13 : 13 ¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?
  • Room 11:29 : 29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh.
  • Cib 1:12 : 12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
  • Yac 1:17 : 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
  • Sab 92:14 : 14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
  • Sab 48:14 : 14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
  • Ish 41:4 : 4 Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.
  • Sab 102:26-27 : 26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan, 27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
  • Ish 43:25 : 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
  • Cib 13:8 : 8 Ciise Masiix waa isku mid shalay iyo maanta iyo weligiiba.
  • Mal 2:16 : 16 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay furidda, oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay kii dharkiisa dulmi ku deda, haddaba sidaas daraaddeed iska jira oo khiyaano ha ku macaamiloonina.
  • Mal 3:6 : 6 ¶ Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3¶ Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla.

  • 5Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno?

  • Sab 71:17-18
    2 aayado
    73%

    17Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.

    18Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.

  • Ish 41:9-10
    2 aayado
    72%

    9waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.

    10Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.

  • 7Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.

  • 11Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.

  • 5Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal)

  • Ish 44:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla.

    2Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.

  • Ish 41:13-14
    2 aayado
    71%

    13Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.

    14Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 22¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan.

  • 6Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa,

  • Ish 43:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin.

    2Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.

  • 31iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 12¶ Aniga qudhayda weeye kan ku qalbi qaboojiya. Maxaad tahay waadiga nin dhimanaya iyo binu-aadmi sida caws oo kale u baabba'aya ka cabsanayee?

  • Ish 49:15-16
    2 aayado
    70%

    15Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.

    16Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.

  • 1¶ Gasiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.

  • 24¶ Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.

  • 3Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.

  • 4Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.

  • 4Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.

  • 15Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.

  • 12¶ Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.

  • 3Oo wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.

  • 4Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.

  • 8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

  • 6Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd, Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.

  • 6Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.

  • 12Dadkan oo dhan ma anigaa uuraystay? Oo ma anigaa dhalay markaad igu leedahay, Iyaga laabtaada ku qaad sida aabbe u qaado ilmo caanonuug ah, tan iyo dalkii aad awowayaashood ugu dhaaratay?

  • 11Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.

  • 13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • 28Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 21Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo.

  • Ish 43:4-5
    2 aayado
    68%

    4Indhahayga hortooda waxaad ku ahaydeen kuwa qaali ah, oo sharaf badan, waanan idin jeclaaday, oo sidaas daraaddeed niman baan idinku doorsan doonaa, oo dad badan baan naftiinna ku soo beddelan doonaa.

    5Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, oo farcankiinnana xagga bari baan ka keeni doonaa, oo xagga galbeed baan idinka soo ururin doonaa,

  • 3Oo weliba reer Efrayim waan socod baray, oo gacmahaygaan ku xambaaray, laakiinse iyagu ma ay ogayn inaan bogsiiyey iyaga.

  • 4Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon.

  • 18(Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )

  • 5Oo anigu intii afartan sannadood ah ayaan cidlada idinku dhex kexeeyey, oo dharkiinnii korkiinna kuma duugoobin, kabihiinniina cagihiinna kuma dhammaanin.

  • 15Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.

  • 28War miyaadan ogayn? Oo miyaadan maqlin in Ilaaha daa'imka ah oo ah Rabbiga ah Uumaha dhulka darafyadiisa uusan itaal darnaan ama uusan daalin? Waxgarashadiisana lama baadhi karo.

  • 29Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

  • 9Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.

  • 9Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.