Ishacyaah 44:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 44:1-2 : 1 ¶ Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla. 2 Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.
  • Ish 43:15 : 15 Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Kiinna Quduuska ah, iyo Abuuraha reer binu Israa'iil, iyo Boqorkiinna.
  • Ish 46:8-9 : 8 ¶ Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada. 9 Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.
  • Ish 49:15-16 : 15 Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo. 16 Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.
  • Sak 10:9 : 9 Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.
  • Room 11:28-29 : 28 Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood. 29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh.
  • Sharc 4:9 : 9 Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda.
  • Sharc 4:23 : 23 Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.
  • Sharc 31:19-21 : 19 Haddaba gabaygan qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah. 20 Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan. 21 Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.
  • Sharc 32:18 : 18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
  • Ish 41:8-9 : 8 ¶ Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow, 9 waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.
  • Ish 42:23 : 23 Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?
  • Ish 43:1 : 1 ¶ Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin.
  • Ish 43:7 : 7 waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 43:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin.

    2Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.

  • Ish 44:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla.

    2Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.

  • 3Oo wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.

  • Ish 41:8-9
    2 aayado
    78%

    8¶ Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow,

    9waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.

  • Ish 43:21-22
    2 aayado
    77%

    21oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.

    22Laakiinse reer Yacquubow, ima aydaan baryin, reer Israa'iilow, waad iga daasheen.

  • 4Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon.

  • Ish 44:22-23
    2 aayado
    77%

    22Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.

    23Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.

  • Ish 49:5-8
    4 aayado
    75%

    5Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal)

    6Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.

    7Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.

    8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

  • Yer 46:27-28
    2 aayado
    74%

    27Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.

    28Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 25Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.

  • Yer 30:10-11
    2 aayado
    72%

    10Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.

    11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 42ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.

  • Ish 49:15-16
    2 aayado
    72%

    15Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.

    16Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.

  • 7Rabbigu waa ku dhaartay islaweynaanta reerka Yacquub, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah anigu shuqulladooda midnaba ka illoobi maayo.

  • 19Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

  • 13Kuwiinna farcanka addoonkiisii Israa'iilow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.

  • 14Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 18Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.

  • 17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.

  • 8¶ Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada.

  • 5Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.

  • 27Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,

  • 27¶ Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo?

  • 6Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa,

  • 16Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

  • 1¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 18Waxyaalihii hore ha xusuusanina, waxyaalihii qadiimka ahaana ha ka fikirina.

  • 3¶ Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla.

  • 40Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.

  • 55Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 45Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 18laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

  • 32Gabadhu miyey illoobi kartaa wixii ay isku sharaxdo, aroosadduse miyey illoobi kartaa wixii ay xidhato? Laakiinse dadkaygu waxay i illoobeen maalmo badan oo aan la tirin karin.

  • 22Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • 22Haddaba Rabbigii Ibraahim soo furtay wuxuu reer Yacquub ka leeyahay, Reer Yacquub haatan ceeboobi maayo, oo wejigiisuna mar dambe cabsi la caddaan maayo.