Ishacyaah 30:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba tag, oo waxaad hortooda warkan ku qortaa loox, oo kitaabna ku qor, si uu wakhtiga soo socda markhaati ugu noqdo weligiis iyo weligiisba,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 8:1 : 1 ¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qaadataa loox weyn, oo waxaad farta dadka ku qortaa. Maheer-shaalaal-haash-bas,
  • Xab 2:2 : 2 ¶ Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo.
  • 1 Tim 4:1 : 1 ¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,
  • 2 But 3:3 : 3 Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,
  • Yuud 1:18 : 18 Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.
  • Tir 24:14 : 14 Haddaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta.
  • Sharc 4:30 : 30 Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan,
  • Sharc 31:19 : 19 Haddaba gabaygan qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah.
  • Sharc 31:22 : 22 Sidaas daraaddeed Muuse ayaa gabaygan isla maalintaas qoray oo reer binu Israa'iil baray.
  • Sharc 31:29 : 29 Waayo, waan ogahay in markaan dhinto dabadeed aad iskharribi doontaan, oo aad jidkii aan idinku amrayna gees uga leexan doontaan, oo ugu dambaystana masiibo baa idinku dhici doonta, maxaa yeelay, waxaad samayn doontaan wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, inaad isaga kaga xanaajisaan shuqulka aad gacmihiinna ku samaysaan.
  • Ayuub 19:23-25 : 23 Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro! 24 Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas! 25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
  • Ish 2:2 : 2 ¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
  • Yer 23:20 : 20 Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan.
  • Yer 36:2 : 2 Kitaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.
  • Yer 36:28-32 : 28 Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay. 29 Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa? 30 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay. 31 Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen. 32 Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.
  • Yer 48:47 : 47 Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.
  • Yer 51:60 : 60 Markaas Yeremyaah kitaab buu ku qoray masiibadii Baabuloon ku soo degi lahayd oo dhan, waana erayadan Baabuloon ku saabsan ee uu qoray.
  • Yex 38:16 : 16 Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.
  • Hos 3:5 : 5 Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 30:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

    2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.

  • 9waayo, kuwanu waa ummad caasiyowday, iyo dad been miidhan ah, iyo dad aan doonayn inay sharciga Rabbiga maqlaan,

  • 75%

    23Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!

    24Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas!

  • 19Haddaba gabaygan qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah.

  • 7Waayo, caawimaadda Masar waa wax aan waxba tarayn oo aan innaba qasdi lahayn, oo sidaas daraaddeed waxaan magaceedii u bixiyey Rahabta iska fadhida.

  • 1¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qaadataa loox weyn, oo waxaad farta dadka ku qortaa. Maheer-shaalaal-haash-bas,

  • 18Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.

  • Sab 78:5-6
    2 aayado
    72%

    5Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,

    6Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,

  • 2Kitaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.

  • 26Kitaabkan sharciga qaada, oo waxaad ag dhigtaan sanduuqa axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah inuu halkaas ku ahaado markhaati idinka gees ah.

  • Xab 2:2-3
    2 aayado
    71%

    2¶ Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo.

    3Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.

  • 3Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.

  • 21Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.

  • 18Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada.

  • 20Oo ulaha aad waxaas ku qortana waa inay gacantaada ku jiraan iyagoo indhaha ku haya.

  • 8Oo waa inaad dhagaxyada si bayaan ah ugu qortaan sharcigan erayadiisa oo dhan.

  • 20Oo waa inaad iyaga ku qortaan tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba,

  • Sharc 6:8-9
    2 aayado
    70%

    8Waa inaad iyaga calaamad ka dhigtaa oo gacantaada ku xidhaa, oo iyagu ha kuu ahaadeen qardhaas indhaha dhexdooda kuugu xidhan.

    9Oo waa inaad ku qortaa tiirarka albaabka gurigaaga iyo irdahaagaba.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • Ish 8:10-11
    2 aayado
    70%

    10Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira.

    11¶ Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,

  • 3Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.

  • 8Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.

  • 60Markaas Yeremyaah kitaab buu ku qoray masiibadii Baabuloon ku soo degi lahayd oo dhan, waana erayadan Baabuloon ku saabsan ee uu qoray.

  • 16Oo looxyadu waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan.

  • 27Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan.

  • 18Oo markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal,

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya.

  • 6Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda.

  • 32Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.

  • 10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

  • 8¶ Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada.

  • 16¶ Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • 8Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,

  • 1¶ Dembigii dadka Yahuudah waxaa lagu qoray qalin bir ah iyo caarad dheemman, oo waxaa lagu xardhay looxa qalbigooda iyo geesaha meelahooda allabariga,

  • 13Sidaas daraaddeed erayga Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa amar amar lagu daray, iyo amar amar lagu daray, qaynuun qaynuun lagu daray, iyo qaynuun qaynuun lagu daray, halkan in yar, halkaasna in yar, si ay intay tagaan dib ugu dhacaan, oo ay u jajabaan, oo ay dabin ugu dhacaan, oo ay u noqdaan kuwa la qabtay.

  • 29Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.

  • 2Oo looxyada waxaan ku qori doonaa erayadii ku yiil looxyadii hore oo aad jebisay, oo markaas waa inaad sanduuqa ku dhex riddaa.

  • 4Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.

  • 8Haddaba bal sidee baad u tidhaahdaan, Annagu xigmad baannu leennahay, oo Rabbiga sharcigiisuna waa nala jiraa? Laakiinse qalinkii beenta ahaa ee karraaniyada ayaa been ka dhigay.

  • 40Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.

  • 2Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

  • 28Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay.