Efesos 6:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 31:38-40 : 38 Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin. 39 Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee. 40 Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.
  • Ef 6:5-6 : 5 ¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale. 6 Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.
  • Kol 3:23 : 23 Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,
  • Bil 31:6 : 6 Idinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay.
  • 2 Boq 5:2-3 : 2 Oo reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay. 3 Oo waxay sayidaddeedii ku tidhi, Hoogay, haddii sayidkaygu hor tegi lahaa nebiga Samaariya jooga wuu ka bogsiin lahaa baraskan.
  • 2 Boq 5:13 : 13 Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?
  • 1 Kor 10:31 : 31 Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ef 6:5-6
    2 aayado
    92%

    5¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.

    6Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.

  • Kol 3:22-24
    3 aayado
    86%

    22Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.

    23Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,

    24idinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah.

  • Ef 6:8-9
    2 aayado
    82%

    8idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.

    9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.

  • 78%

    15Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada,

    16idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah.

  • 1 Tim 6:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.

    2Kuwii sayidyo rumaysan lahu yaanay quudhsan, maxaa yeelay, waa walaalo; laakiin ha u adeegeen intay quudhsan lahaayeen, maxaa yeelay, kuwa shuqulkooda wanaagsan ka faa'iidaa waa kuwa rumaysan oo la jecel yahay. Dadka waxyaalahan bar oo ku waani.

  • Titus 2:9-10
    2 aayado
    77%

    9Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,

    10oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.

  • Gal 6:9-10
    2 aayado
    76%

    9Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.

    10Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

  • 11Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.

  • 10Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan.

  • 18Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay.

  • 17Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.

  • 1¶ Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.

  • 2 Kor 6:3-4
    2 aayado
    74%

    3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

    4Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,

  • 21waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana.

  • 31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

  • Luuk 17:8-10
    3 aayado
    73%

    8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

    9Miyuu addoonkii u mahadnaqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray?

    10Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay.

  • 6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,

  • Room 6:16-18
    3 aayado
    73%

    16Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada?

    17Laakiinse mahad Ilaah baa leh, waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey;

    18oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen.

  • 72%

    22Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix.

    23Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina.

  • 18¶ Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan.

  • 7Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;

  • 6Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas.

  • 1¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

  • 10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.

  • 12Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.

  • 5¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba.

  • 5oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay.

  • 16Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.

  • 7Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.

  • 13Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.

  • 5Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis.

  • 31Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.

  • 14Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.

  • 10Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,

  • 24¶ Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

  • 21kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.