Cibraaniyiintii 6:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 10:42 : 42 Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.
  • 1 Tes 1:3 : 3 Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Maah 14:31 : 31 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
  • Fal 10:4 : 4 Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.
  • 2 Tes 1:6-7 : 6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba, 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa
  • Mat 25:35-40 : 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Mark 9:41 : 41 Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.
  • Flm 1:5-7 : 5 waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato. 6 Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa. 7 Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.
  • Cib 13:16 : 16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
  • Kol 3:17 : 17 Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.
  • 1 Yoox 3:14-18 : 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa. 15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. 16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga? 18 Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.
  • 1 Yoox 1:9 : 9 Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.
  • Yoox 13:20 : 20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.
  • Fal 2:44-45 : 44 Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen; 45 oo intay iibiyeen waxyaalahoodii iyo alaabtoodiiba ayay dhammaan u wada qaybiyeen sidii nin kasta baahidiisu ahayd.
  • Fal 4:34-35 : 34 Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen, 35 oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.
  • Fal 9:36-39 : 36 ¶ Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay. 37 Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare. 38 Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid. 39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
  • 1 Tim 6:18 : 18 Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,
  • 2 Tim 1:17-18 : 17 Laakiinse markuu Rooma joogay wuxuu ku dadaalay inuu i daydayo, wuuna i helay. 18 Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.
  • 2 Tim 4:8 : 8 Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.
  • Fal 10:31 : 31 oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay.
  • Fal 11:29 : 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga,
  • Room 3:4-5 : 4 Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran, In xaq lagaaga dhigo hadalladaada, Oo aad libaantid markii lagu xukumo. 5 Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)
  • Room 12:13 : 13 oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.
  • Room 15:25-27 : 25 laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego quduusiinta. 26 Waayo, dadka Makedoniya iyo Akhaya waxay aad u jeclaysteen inay wax u ururiyaan masaakiinta ka midka ah quduusiinta Yeruusaalem joogta. 27 Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka.
  • 1 Kor 13:4-7 : 4 ¶ Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro, 5 wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro, 6 xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta. 7 Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.
  • 1 Kor 16:1-3 : 1 ¶ Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela. 2 Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin. 3 Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.
  • 2 Kor 8:1-9 : 1 ¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaannu idin ogeysiinaynaa nimcada Ilaah oo la siiyey kiniisadaha Makedoniya, 2 si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantinimada deeqsinimadooda. 3 Waayo, waxaan u marag furayaa inay tabartooda ku siiyeen, oo weliba si dhaafsiisan tabartooda, siday u doonayeen, 4 iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta, 5 oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay. 6 Sidaas daraaddeed Tiitos waannu ka barinnay, in siduu hortii u bilaabay, sidaas oo kale uu idiinku dhammeeyo nimcadatan. 7 Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan. 8 ¶ U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna. 9 Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.
  • 2 Kor 9:1 : 1 ¶ Looma baahna inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadda xagga quduusiinta,
  • 2 Kor 9:11-15 : 11 Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo. 12 Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo. 13 Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan. 14 Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed. 15 Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.
  • Gal 5:6 : 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
  • Gal 5:13 : 13 ¶ Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.
  • Gal 6:10 : 10 Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.
  • Fil 4:16-18 : 16 Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa. 17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • Maah 19:17 : 17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
  • Yer 2:2-3 : 2 Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin. 3 Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 18:20 : 20 Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.
  • Sharc 32:4 : 4 Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil, Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad, Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn, Isagu waa xaq, waana caaddil.
  • Nex 5:19 : 19 Ilaahayow, wanaag igu xusuuso wixii aan dadkan u sameeyey oo dhan aawadiis.
  • Nex 13:22 : 22 Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.
  • Nex 13:31 : 31 iyo amar ku saabsan qurbaankii qoryaha oo wakhtiyada la amray la keeno, iyo midhaha ugu horreeya. Ilaahayow, wanaag igu xusuuso.
  • Sab 20:3 : 3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
  • Yac 2:15-17 : 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9¶ Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay.

  • 3Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • Cib 6:11-12
    2 aayado
    76%

    11Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta,

    12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.

  • 3 Yoox 1:5-6
    2 aayado
    75%

    5¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba.

    6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

  • Ef 6:6-9
    4 aayado
    75%

    6Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.

    7Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,

    8idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.

    9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.

  • 16Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.

  • Gal 6:9-10
    2 aayado
    73%

    9Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.

    10Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

  • 72%

    10Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.

    11Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.

  • 71%

    12Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo.

    13Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan.

  • 24Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan.

  • 58Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.

  • 6¶ Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.

  • Cib 13:2-3
    2 aayado
    71%

    2Ha illoobina inaad shisheeyaha marti qaaddaan, waayo, sidaas qaar baa malaa'igo u marti qaaday iyagoo aan ogayn.

    3U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah.

  • 1 Tes 2:9-10
    2 aayado
    71%

    9Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.

    10Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.

  • 13Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.

  • 13oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.

  • 2 Kor 6:3-4
    2 aayado
    70%

    3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

    4Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,

  • 16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.

  • 1¶ Looma baahna inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadda xagga quduusiinta,

  • 1¶ Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,

  • Kol 3:23-24
    2 aayado
    70%

    23Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,

    24idinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah.

  • 5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

  • 21nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.

  • 6annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,

  • Cib 10:35-36
    2 aayado
    69%

    35Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh.

    36Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.

  • 6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,

  • 15Jacaylkiisuna wuu ku sii badan yahay xaggiinna, maxaa yeelay, wuxuu xusuustaa dhammaantiin addeeciddiinna iyo sidaad idinkoo cabsanaya oo gariiraya u dhowayseen.

  • 34Idinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.

  • 15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

  • 3Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.

  • 1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.

  • 6Anigu waxaan aaminsanahay in kan shuqul wanaagsan idinku dhex bilaabay uu dhammayn doono ilamaa maalinta Ciise Masiix.

  • 10Waayo, sidaasaad jeceshihiin kulli walaalaha jooga Makedoniya oo dhan. Laakiin waxaannu idinku waaninaynaa, walaalayaalow, inaad intaas aad uga sii badisaan,

  • 6Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno;

  • 13oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.

  • 18Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Wuxuu kaloo leeyahay, Shaqaalahu waa istaahilaa abaalgudkiisa.

  • 6Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba,