Esteer 2:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah, taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbe iyo hooyo toona ma ay lahayn; gabadhuna way suurad wacnayd, wayna qurux badnayd; oo markii aabbeheed iyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidii gabadhiisii ka dhigtay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Est 2:15 : 15 ¶ Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.
  • Ef 6:4 : 4 Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
  • 1 Yoox 3:1 : 1 ¶ Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin.
  • Bil 48:5 : 5 Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.
  • Est 1:11 : 11 oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican.
  • Yer 32:7-9 : 7 Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid. 8 Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay. 9 Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah. 10 Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay. 11 Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada. 12 Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan.
  • Daan 1:6-7 : 6 Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah. 7 Markaasaa amiirkii bohommada ayaa magacyo u baxshay oo Daanyeel wuxuu u baxshay Beelteshaasar, Xananyaahna wuxuu u baxshay Shadrag; Miishaa'eelna wuxuu u baxshay Meeshag; Casaryaahna wuxuu u baxshay Cabeednegoo.
  • 2 Kor 6:18 : 18 Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Est 2:8-20
    13 aayado
    82%

    8Markii la maqlay boqorka amarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu soo ururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacanta loo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka, oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagaha dhawri jiray.

    9Oo gabadhii way la wanaagsanaatay isagii, wuuna u roonaaday; oo markiiba wuxuu iyadii siiyey alaabteedii isdaahirinta, iyo intii ay qaybta u lahayd, iyo toddoba gabdhood oo ay waajib u lahayd in laga siiyo guriga boqorka. Markaasuu iyadii iyo gabdhaheediiba geeyey meeshii ugu wanaagsanayd guriga naagaha.

    10¶ Esteerna ma ay sheegin dadkeedii iyo qoladeedii toona; waayo, waxaa Mordekay ku amray inaanay waxba sheegin.

    11Mordekayna wuxuu maalin kasta mari jiray barxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteer nabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.

    12¶ Haddaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaadhay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogu sameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayo laba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahirintoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ah ismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna ismariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagu daahiriyo)

    13ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.

    14Oo iyadu fiidkii bay tagtay, oo subaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha, iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii u dhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambe boqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo in magaceeda loogu yeedho mooyaane.

    15¶ Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.

    16Haddaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.

    17Haddaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.

    18Markaasaa boqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd martiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuu nasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsinimadiisii ahayd.

    19¶ Oo markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii.

    20Oo Esteerna weli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidii Mordekay ku amray; waayo, Esteer amarkii Mordekay bay u addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale.

  • Est 2:1-6
    6 aayado
    76%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood markii Boqor Ahashwerus cadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii ay samaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.

    2Markaasaa boqorka midiidinnadiisii u adeegi jiray waxay yidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado qurux badan oo dhallinyaro ah;

    3oo boqorku gobol kasta oo boqortooyadiisa ka mid ah ha ka dhex doorto wakiillo, si ay bikradaha quruxda badan oo dhallinyarada ah oo dhan ugu soo ururiyaan Shuushan oo ah hoyga boqorka, oo iyaga ha keeneen guriga naagaha, oo gacanta ha u geliyeen Heegay oo ah midiidinka boqorka naagaha u dhawra, oo iyaga ha la siiyo alaabtoodii ay isku daahirin lahaayeen.

    4Oo gabadhii boqorka la wanaagsanaata, meeshii Washtii boqorad ha ka noqoto. Oo waxaasuna boqorka way ka farxiyeen; kolkaasuu saas yeelay.

    5¶ Oo Shuushan oo hoygii boqorka ahaa waxaa jiray nin Yuhuud ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Mordekay ina Ya'iir, ina Shim'i, ina Qiish, oo wuxuu ahaa reer Benyaamiin;

    6oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

  • Est 8:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa.

    2Markaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyey kaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyey Mordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekay madax uga dhigtay.

  • 22Oo xaalkaas waxaa ogaaday Mordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteerna waxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysa Mordekay magiciisa.

  • Est 4:7-10
    4 aayado
    72%

    7Markaasaa Mordekay wuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay, iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo boqorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed.

    8Oo weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii oo amarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuudda loo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteer tuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amray inay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisa wax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis.

    9Kolkaasaa Hatag yimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay.

    10Dabadeedna Esteer baa la hadashay Hatag oo waxay farriin ugu sii dhiibtay Mordekay oo ku tidhi,

  • Est 4:4-5
    2 aayado
    72%

    4Markaasaa Esteer waxaa u yimid oo xaalkaas u soo sheegay gabdhaheedii iyo midiidinnadeedii; kolkaasay boqoraddii aad iyo aad u murugootay; oo Mordekay ayay u sii dirtay dhar uu xidho, waxayna u sheegtay inuu dharkiisii joonyadda ahaa iska furo; laakiinse dharkii ma uu qaadan.

    5Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba.

  • Est 4:12-15
    4 aayado
    72%

    12Kolkaasaa Mordekay loo soo sheegay Esteer erayadeedii.

    13Markaasuu Mordekay iyagii jawaab ugu sii dhiibay Esteer, oo wuxuu ku yidhi, Ha moodin inaad adiga qudhaadu guriga boqorka ku baxsan doontid iyadoo aanay Yuhuudda ka baxsan.

    14Waayo, haddaad wakhtigan iska aamustid, waxaa Yuhuudda meel kale uga kici doona furasho iyo samatabbax, laakiinse adiga iyo reerka aabbahaaba waad halligmi doontaan. Bal yaase garanaya inaad wakhtigan oo kale daraaddiis boqortooyada u soo gashay?

    15Markaasaa Esteer waxay iyaga u sheegtay inay Mordekay jawaab ku celiyaan, oo waxay ku tidhi,

  • 7Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda.

  • 29¶ Markaasaa Boqorad Esteer oo ahayd ina Abiixayil, iyo Yuhuudigii Mordekay ahaa waxay amar buuxa ku qoreen, si ay u adkeeyaan warqaddan labaad oo ku saabsan FUURIIM.

  • 17Markaasuu Mordekay iska tegey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oo dhan.

  • 1¶ Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan.

  • Est 7:6-8
    3 aayado
    69%

    6Markaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday.

    7Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay.

    8Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday.

  • 21markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay.

  • 11oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican.

  • 4Markaasaa boqorkii wuxuu Esteer u soo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeed Esteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii.

  • 1¶ Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.

  • 12¶ Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.

  • 14¶ Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.

  • 18(Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )

  • 31si loo adkeeyo maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo wakhtigooda, sidii ay u amreen Yuhuudigii Mordekay iyo Boqorad Esteer, iyo sidii ay iyagu nafsaddooda iyo farcankooda ugu amreen xaalkii soonka iyo qayladoodii.

  • Bax 2:7-8
    2 aayado
    67%

    7Markaasaa walaashiis waxay gabadhii Fircoon ku tidhi, Ma kuugu yeedhaa naagaha Cibraaniyadaha middood inay kuu nuujiso ilmaha?

    8Gabadhii Fircoonna waxay ku tidhi iyadii, Haah, tag. Gabadhiina way tagtay oo waxay u yeedhay yarkii hooyadiis.

  • 2markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigii boqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygii boqorka,