Baxniintii 17:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka sodcaaleen cidlada Siin la yidhaahdo, oo waxay u socdeen sidii Rabbigu ku amray, kolkaasay waxay degeen meel la yidhaahdo Refiidiim; oo dadkuna ma ay haysan biyo ay cabbaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 16:1 : 1 ¶ Markaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen.
  • Bax 19:2 : 2 Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.
  • Tir 33:12-14 : 12 Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah. 13 Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush. 14 Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.
  • Bax 17:8 : 8 ¶ Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:14-16
    3 aayado
    86%

    14Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.

    15Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

  • Bax 17:2-8
    7 aayado
    80%

    2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

    3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

    4Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.

    5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.

    6Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.

    7Markaasuu meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Masaah iyo Meriibaah, dirirtii ay reer binu Israa'iil dirireen aawadeed, iyo jirrabaaddii ay Rabbiga jirrabeen aawadeed, oo ay yidhaahdeen, War, Rabbigu ma na dhex joogaa mise nama dhex joogo?

    8¶ Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim.

  • Bax 15:22-24
    3 aayado
    79%

    22¶ Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin.

    23Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah.

    24Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?

  • Bax 16:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Markaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen.

    2Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

  • 2Oo shirkiina biyo ma haysan, oo markaasay Muuse iyo Haaruun u wada shireen.

  • 16Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.

  • Bax 19:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Markii reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen dabadeed, bishii saddexaad, ayay isla maalintaas yimaadeen cidlada Siinay la yidhaahdo.

    2Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

  • Tir 33:10-11
    2 aayado
    74%

    10Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

    11Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.

  • 7Oo halkaasna waxay uga guureen Gudgodaah, oo waxay Gudgodaahna uga guureen Yaatbaataah oo ah dal leh durdurro biyo ah.

  • 14maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)

  • Tir 20:10-11
    2 aayado
    74%

    10Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa?

    11Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen.

  • Tir 20:4-5
    2 aayado
    73%

    4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?

    5Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko.

  • 9Sidaas daraaddeed waxaa israacay boqorkii dalka Israa'iil, iyo boqorkii dalka Yahuudah, iyo boqorkii dalka Edom; oo waxay wareegeen meel toddoba maalmood loo socdo; oo ciidankii iyo xayawaankii la socday toona biyo ma helin.

  • 16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

  • 13Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.

  • 40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 1¶ Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • Tir 21:4-5
    2 aayado
    72%

    4¶ Oo Buur Xor waxay uga guureen xagga jidka loo maro Badda Cas inay hareer ka maraan dalka reer Edom. Markaasay dadku aad u qalbi jabeen jidkii daraaddiis.

    5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.

  • 24Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.

  • 22¶ Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.

  • 8Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba.

  • 8Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

  • Sharc 1:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.

    2Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 19Markaasaa reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen, Annagu waddada weyn baannu iska maraynaa, oo annaga iyo lo'dayaduba haddaannu biyo kaa cabno qiimahooda waannu ku siinaynaa, haddaba annagoo aan innaba wax kale samayn aan dalkaaga cagaha ku dhex marno.

  • 1¶ Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.

  • 15Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.