Baxniintii 16:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Comer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 16:16 : 16 Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.
  • Bax 16:32-33 : 32 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey. 33 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 16:14-19
    6 aayado
    81%

    14Oo markii sayaxii soo degay baabba'ay ayaa waxaa dhulkii cidlada ku hadhay wax yaryar oo goobaaban oo laale'eg sayax barafoobay.

    15Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan.

    16Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

    17Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar.

    18Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay.

    19Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda.

  • Bax 16:30-35
    6 aayado
    80%

    30Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.

    31Oo reer binu Israa'iil waxay magaceedii u bixiyeen Maanna; oo waxay u caddayd sida midhaha koryander la yidhaahdo, waxayna u dhadhan ekayd sidii buskud malab lagu sameeyey.

    32Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey.

    33Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe.

    34Sidii Rabbigu Muuse ku amray ayaa Haaruun Maragga hortiis u dhigay, in loo hayo aawadeed.

    35Oo reer binu Israa'iil waxay maannadii cunayeen afartan sannadood, ilaa ay yimaadeen dhul la deggan yahay. Waxay cuni jireen maannadii ilaa ay yimaadeen dalkii reer Kancaan xadkiisii.

  • Yex 45:11-14
    4 aayado
    74%

    11Oo eefaahda iyo badku waa inay isku qiyaas ahaadaan, eefaahdu waa inay qaaddaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo badkuna waa inuu qaadaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo qiyaastuna waa inay ahaataa sida xomeerka.

    12Oo sheqelkuna waa inuu ahaadaa labaatan geeraah, oo maanehiinnuna waa inuu ahaadaa labaatan sheqel, shan iyo labaatan sheqel iyo shan iyo toban sheqel.

    13¶ Oo qurbaanka aad bixinaysaanna waa kan: xomeer kasta oo sarreen ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed, oo haddana xomeer kasta oo shaciir ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed.

    14Oo amarka saliidduna waa kan: kor kastaba waa inaad ka bixisaan bad toban meelood loo dhigay meeshiis. Korkuna waa toban bad, sida xomeer oo kale.

  • Bax 16:21-23
    3 aayado
    74%

    21Oo subax kasta nin waluba wuxuu guran jiray in cuntadiisa ugu filan; oo markii qorraxdu soo kululaatana, way dhalaali jirtay.

    22Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen.

    23Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda.

  • 5Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah.

  • Bax 16:4-5
    2 aayado
    71%

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan samada idiinka soo dayn doonaa kibis, oo dadku waa inay dibadda u baxaan oo maalin walba soo urursadaan in maalin ku filan, si aan u tijaabiyo iyaga, bal inay sharcigayga ku socdaan iyo in kale.

    5Oo maalinta lixaad waa inay diyaarsadaan wixii ay soo gurteen, kolkaasay noqon doontaa intii ay maalin walba guran jireen in labanlaabkeed ah.

  • 6Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.

  • 36Waa inaad haysataan kafado qumman iyo miisaan qumman, iyo eefaah qumman iyo hiin qumman, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idinka soo bixiyey.

  • Yex 4:10-11
    2 aayado
    69%

    10Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.

    11Oo biyahana waa inaad qiyaas u cabtaa, oo waxaa kuu go'an hiin lix meelood loo dhigay meeshiis, oo waa inaad goor ka goor cabtaa.

  • 46iyo lix iyo toban kun oo qof.)

  • 10Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.

  • 36iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

  • 5Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa.

  • 6Oo wankii weynna waxaad qurbaan hadhuudh ah u diyaarisaan eefaah toban meelood loo qaybiyo labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo hiin saddex meelood meel saliid ah lagu daray.

  • 16iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.

  • 12Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.

  • 12oo eefaah bur ah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan dibi kasta, oo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan wanka weyn.

  • 4haddaba kii wax bixinayaa qurbaankiisa ha ku bixiyo Rabbiga aawadiis qurbaan hadhuudh ah eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin rubuceed oo saliid ah;

  • Bax 16:25-27
    3 aayado
    67%

    25Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan.

    26Lix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba.

    27Oo waxaa dhacday maalintii toddobaad inay dadkii qaarkood dibadda u bexeen inay wax soo gurtaan, laakiinse waxba ma ay helin.

  • 22Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,

  • 12Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 20Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo.

  • 36Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

  • 24Oo waa inuu qurbaan hadhuudh oo ah eefaah dibiba iyo eefaah wanba diyaariyaa, oo eefah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.

  • 6Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.

  • Tir 11:8-9
    2 aayado
    66%

    8Dadku way warwareegi jireen oo soo urursan jireen, markaasay mixdin ku daqiijin jireen, amase mooye ku tumi jireen, oo dheryay ku karsan jireen, oo moofo bay ka samaysan jireen; oo dhadhankeeduna wuxuu ahaa sida dhadhanka wax saliid lagu sameeyey.

    9Oo habeennimada markii sayaxu xerada ku soo dego ayaa maannaduna la soo dhici jirtay.

  • 44iyo lix iyo soddon kun oo lo' ah,

  • 5¶ Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa.