Baxniintii 19:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 9:13 : 13 Waxaad weliba ku soo kor degtay Buur Siinay, oo iyagaad kala hadashay xagga samada, oo waxaad siisay xukummo qumman, iyo sharciyaal xaq ah, iyo qaynuunno wanwanaagsan, iyo amarro,
  • Sab 81:7 : 7 Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
  • Bax 19:3 : 3 Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,
  • Bax 19:11 : 11 oo maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay.
  • Bax 24:12-13 : 12 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid. 13 Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah.
  • Bax 24:18 : 18 Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.
  • Bax 34:2 : 2 Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay.
  • Bax 34:4 : 4 Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah.
  • Sharc 9:9 : 9 Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 19:2-3
    2 aayado
    85%

    2Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

    3Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,

  • Bax 19:16-19
    4 aayado
    84%

    16Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen.

    17Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.

    18Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.

    19Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.

  • Bax 19:23-25
    3 aayado
    80%

    23Kolkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig.

    24Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.

    25Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.

  • Bax 24:15-18
    4 aayado
    80%

    15Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.

    16Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.

    17Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.

    18Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 21Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane.

  • Bax 34:2-3
    2 aayado
    80%

    2Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay.

    3Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin.

  • Bax 24:12-13
    2 aayado
    79%

    12¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.

    13Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah.

  • Bax 19:11-12
    2 aayado
    79%

    11oo maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay.

    12Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.

  • 5Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.

  • 1¶ Markaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu ku yidhi,

  • 14Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.

  • Bax 24:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

    2oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin.

  • Bax 20:20-22
    3 aayado
    75%

    20Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, Ilaah wuxuu u yimid inuu idin tijaabiyo, iyo in ka cabsashadiisu idinku jirto, si aydnaan u dembaabin.

    21Markaasaa dadkii waxay istaageen meel fog, Muusena wuxuu u soo dhowaaday gudcurkii qarada weynaa oo Ilaah joogay.

    22¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.

  • 18¶ Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.

  • 31Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,

  • 44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.

  • 9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

  • 27Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan.

  • 5Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.

  • 9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

  • 15Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.

  • 10¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

  • 32Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi,

  • 40Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay.