Tirintii 12:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 11:25 : 25 Markaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin.
  • Bax 34:5 : 5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.
  • Bax 40:38 : 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.
  • Sab 99:7 : 7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Markaasaa Rabbigu dhaqso ula hadlay Muuse iyo Haaruun iyo Maryan, oo wuxuu ku yidhi, Saddexdiinnuba kaalaya teendhada shirka. Oo saddexdoodiiba way soo bexeen.

  • Bax 33:8-10
    3 aayado
    79%

    8Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.

    9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

    10Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.

  • 15Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada.

  • Tir 12:9-10
    2 aayado
    78%

    9Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.

    10Oo daruurtiina way ka tagtay teendhada korkeedii; oo Maryanna waxaa ku dhacay baras, oo waxay u caddaatay sida barafka cad oo kale. Markaasaa Haaruun fiiriyey Maryan oo wuxuu arkay inay baras qabto.

  • Tir 16:42-44
    3 aayado
    76%

    42Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.

    43Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda.

    44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 20:6-7
    2 aayado
    76%

    6Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga.

    7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 5Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.

  • Bax 16:9-11
    3 aayado
    74%

    9Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.

    10Intii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay.

    11Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 23Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay.

  • 15Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.

  • 6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaba bal hadalladayda maqla. Haddii nebi idinku dhex jiro, anigoo Rabbiga ah ayaa muujin isku tusi doona, oo riyo baan kula hadli doonaa.

  • 20Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi,

  • Tir 16:19-20
    2 aayado
    73%

    19Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

    20¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 24Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.

  • 3Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,

  • 2Oo iyagu waxay yidhaahdeen, War Rabbigu ma Muuse keliyuhuu la hadlay? Miyuusan annagana nala hadlin? Oo Rabbigu taas wuu maqlay.

  • 5Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay ku hor dheceen ururkii shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 35Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.

  • 10Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 27Markaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday.

  • 2oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

  • 17Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.

  • 4Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan.

  • 9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.

  • 31Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,

  • 5¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 33¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.

  • 10Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.

  • 23Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 5¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 16Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

  • 4Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,