Baxniintii 2:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 12:14 : 14 Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye?
  • Mat 21:23 : 23 ¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?
  • Bil 19:9 : 9 Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan.
  • Bil 37:8-9 : 8 Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood. 9 Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday. 10 Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna? 11 Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.
  • Bil 37:19-20 : 19 Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye. 20 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.
  • Tir 16:3 : 3 Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?
  • Tir 16:13 : 13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?
  • Sab 2:2-6 : 2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh, 3 Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno. 4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa. 5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh, 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
  • Maah 19:12 : 12 Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
  • Bil 13:8 : 8 Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
  • Luuk 19:14 : 14 Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado.
  • Luuk 19:27 : 27 Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
  • Fal 7:26-28 : 26 Oo maalintii ku xigtay ayuu iyagoo diriraya u yimi, oo wuxuu damcay inuu heshiisiiyo, markaasuu yidhi, Niman yahow, walaalaad tihiine; maxaad isu dulmaysaan? 27 Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin? 28 Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay?
  • Fal 7:35 : 35 Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye.
  • Maah 29:25 : 25 Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 7:27-29
    3 aayado
    84%

    27Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin?

    28Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay?

    29Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.

  • 15Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay.

  • Bax 2:11-13
    3 aayado
    80%

    11¶ Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.

    12Markaasuu iska fiiriyey xagga iyo xagga, oo markuu arkay inaan ciduna joogin ayuu Masrigii kaw kaga siiyey, oo ciidda ku qariyey.

    13Markaasuu haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa?

  • Bax 5:20-22
    3 aayado
    75%

    20Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan,

    21oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay seefo noo qaataan noo laayaan.

    22¶ Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo dirtay?

  • 11Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka Masar?

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 24Oo markuu arkay midkood oo lagu gardarroonayo, ayuu ka celiyey, oo intuu kii la dulmayay uu aarguday, ayuu Masrigii dilay;

  • Bax 14:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

  • Bax 32:11-12
    2 aayado
    73%

    11Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?

    12Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid.

  • 19Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi Muuse, isagoo Midyaan jooga, Tag, oo Masar ku noqo, waayo, dadkii doondoonayay inay nafta kaa qaadaan way wada dhinteen.

  • 5Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?

  • 4Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.

  • 6Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.

  • 26Kolkaasaa Muuse ku yidhi, Sidaas inaan yeelno ma habboona; waayo, karaahiyada Masriyiinta ayaannu Rabbiga Ilaahayaga ah u bixinaynaa. Bal eeg, miyaannu karaahiyada Masriyiinta ku allabarinnaa iyagoo noo jeeda? De sow na dhagxin maayaan?

  • 12¶ Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay.

  • Bax 18:14-15
    2 aayado
    71%

    14Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka?

    15Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan.

  • 10Markaasay nimankii aad iyo aad u cabsadeen, oo ku yidhaahdeen, Waa maxay waxa aad samaysay? Waayo, waxay ogaadeen inuu Rabbiga hortiisa ka soo cararay, maxaa yeelay, isagaa u sheegay.

  • 9Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 35Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye.

  • 19Kolkaasay waxay Muuse ku yidhaahdeen, Adigu nala hadal, oo annana waannu ku maqli doonnaa, laakiinse Ilaah yuusan nala hadlin, waaba intaasoo aannu dhimannaaye.

  • 28Markaasaa Fircoon wuxuu isagii ku yidhi, War iga tag, oo iska jir, si aadan wejigayga mar dambe u arkin, waayo, maalintii aad wejigayga aragtid hubaal waad dhiman doontaa.

  • 4Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.

  • 32Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego.

  • 18Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd?