Baxniintii 22:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 22:28 : 28 ¶ Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.
  • Sharc 16:18 : 18 ¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.
  • Bax 21:6 : 6 de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.
  • Bax 22:9 : 9 Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.
  • Sharc 17:8-9 : 8 ¶ Oo haddii dhexdiinna ka kaco xaal garsoorid ah oo idinku adag oo ku saabsan dhiig, ama gar, ama dhaawac, oo xaalalkaas irdihiinna gudahooda lagaga murmo, kolkaas waa inaad kacdaan oo tagtaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. 9 Oo waa inaad u tagtaan wadaaddada reer Laawi iyo xaakinka wakhtigaas joogi doono, oo waa inaad xaalkaas haybisaan oo iyana waxay idiin sheegi doonaan xukunkaas garsooriddiisa.
  • Sharc 19:17-18 : 17 markaas labada nin oo muranku ka dhexeeyaa waa inay soo istaagaan Rabbiga hortiisa iyo wadaaddada iyo xaakinnada waagaas jiri doono hortooda, 18 oo xaakinnadu waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay,
  • 1 Taar 23:4 : 4 Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,
  • Sab 82:1 : 1 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 22:1-7
    7 aayado
    87%

    1¶ Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.

    2Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.

    3Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.

    4Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.

    5¶ Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

    6¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

    7¶ Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.

  • Bax 22:9-15
    7 aayado
    82%

    9Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.

    10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

    11markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.

    12Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.

    13Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.

    14¶ Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.

    15Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.

  • Maah 6:30-31
    2 aayado
    77%

    30Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,

    31Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.

  • Laaw 6:2-4
    3 aayado
    77%

    2Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,

    3amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo,

    4markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,

  • Sharc 22:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Walaalkaa dibigiisa ama laxdiisa oo baxsi ah intaad aragtid waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad walaalkaa u soo celisaa.

    2Oo walaalkaagii lahaa hadduusan kuu dhowayn, ama haddaadan isaga aqoon, markaas waa inaad neefka baxsiga ah gurigaaga keentaa oo waa inaad haysaa ilaa uu kuu yimaado walaalkaa oo doondoonaya, oo markaas waa inaad isaga u celisaa.

    3Oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa dameerkiisa, iyo dharkiisaba, oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa wax alla wixii walaalkaa ka lumay ee aad adigu heshid. Waa inaadan ka dhuuman.

  • 7¶ Haddii nin la helo isagoo mid ka mid ah walaalihiisa reer binu Israa'iil intuu xaday uu ugu macaamiloodo sidii addoon oo kale, amase uu isaga iibiyo, markaas tuuggaas waa in la dilaa, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 31Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,

  • 27Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?

  • 18oo xaakinnadu waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay,

  • 22Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,

  • 4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.

  • Sharc 21:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay,

    2markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan,

  • 1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

  • 39Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

  • 13¶ Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,

  • 43Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

  • 19Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.

  • 16¶ Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

  • 15¶ Waa inaanad waxba xadin.

  • 5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,

  • 13Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.

  • 36Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

  • 26Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,

  • 20Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,

  • 14¶ Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.

  • Yex 18:7-8
    2 aayado
    69%

    7oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,

    8ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,

  • 19¶ Oo waa inaadan waxba xadin.

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • 19kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.

  • 69%

    11Waa inaad dibadda istaagtaa, oo ninkii aad wax deymisay waa inuu dibadda kuugu keenaa rahaamadda.

    12Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,