Baxniintii 22:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 25:1 : 1 ¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.
  • Bax 22:28 : 28 ¶ Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.
  • Bax 23:6-8 : 6 ¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin. 7 Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala. 8 Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
  • Tir 5:6-7 : 6 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato, 7 markaas waa inay qirtaan dembigoodii ay sameeyeen. Oo wixii uu ku xadgudbay waa inuu dhammaan u magdhabaa, oo weliba ku sii daraa shan meelood meesheed, oo siiyaa kii uu ku xadgudbay.
  • Bax 22:4 : 4 Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.
  • Bax 22:7-8 : 7 ¶ Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa. 8 Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.
  • Bax 18:21-22 : 21 Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya, 22 oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan.
  • Sharc 16:18-19 : 18 ¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah. 19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
  • 1 Boq 8:31 : 31 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
  • 2 Taar 19:10 : 10 Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan.
  • Mat 6:14-15 : 14 ¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
  • Mat 18:15 : 15 ¶ Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay.
  • Mat 18:35 : 35 Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.
  • Luuk 17:3-4 : 3 Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi. 4 Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 22:3-8
    6 aayado
    85%

    3Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.

    4Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.

    5¶ Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

    6¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

    7¶ Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.

    8Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.

  • Bax 22:10-15
    6 aayado
    83%

    10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

    11markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.

    12Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.

    13Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.

    14¶ Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.

    15Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.

  • 1¶ Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.

  • Bax 21:30-36
    7 aayado
    76%

    30Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.

    31Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.

    32Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.

    33¶ Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,

    34de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

    35¶ Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.

    36Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

  • Sharc 22:1-4
    4 aayado
    75%

    1¶ Walaalkaa dibigiisa ama laxdiisa oo baxsi ah intaad aragtid waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad walaalkaa u soo celisaa.

    2Oo walaalkaagii lahaa hadduusan kuu dhowayn, ama haddaadan isaga aqoon, markaas waa inaad neefka baxsiga ah gurigaaga keentaa oo waa inaad haysaa ilaa uu kuu yimaado walaalkaa oo doondoonaya, oo markaas waa inaad isaga u celisaa.

    3Oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa dameerkiisa, iyo dharkiisaba, oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa wax alla wixii walaalkaa ka lumay ee aad adigu heshid. Waa inaadan ka dhuuman.

    4¶ Haddaad aragtid walaalkaa dameerkiisa ama dibigiisa oo jidka ku dhacay, waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad isaga caawisaa oo la istaajisaa.

  • Laaw 6:2-6
    5 aayado
    75%

    2Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,

    3amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo,

    4markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,

    5amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.

    6Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno.

  • 4¶ Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.

  • 73%

    18Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.

    19Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.

    20Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.

    21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.

  • 73%

    17markaas labada nin oo muranku ka dhexeeyaa waa inay soo istaagaan Rabbiga hortiisa iyo wadaaddada iyo xaakinnada waagaas jiri doono hortooda,

    18oo xaakinnadu waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay,

  • Sharc 25:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

    2Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu ahayd ha loo tiriyo.

  • 26Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,

  • 31Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.

  • Tir 5:7-8
    2 aayado
    71%

    7markaas waa inay qirtaan dembigoodii ay sameeyeen. Oo wixii uu ku xadgudbay waa inuu dhammaan u magdhabaa, oo weliba ku sii daraa shan meelood meesheed, oo siiyaa kii uu ku xadgudbay.

    8Laakiinse ninku hadduusan lahayn xigto xadgudubkii mag laga siiyo, markaas magta xadgudubka ee Rabbiga loo bixiyo waxaa lahaan doona wadaadka; oo weliba waxaa wehliya wanka kafaaraggudka oo isaga aawadiis loogu kafaaro gudo.

  • 10¶ Waa inaadan beer ku jeexin dibi iyo dameer wada jira.

  • 14Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.

  • 31Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.

  • 6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

  • 14¶ Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.

  • 13laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.

  • 24oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,

  • 31Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,