Baxniintii 23:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 2:25 : 25 Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.
  • Sharc 7:23 : 23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.
  • Bil 35:5 : 5 Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.
  • Sab 18:40 : 40 Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
  • Bax 15:14-16 : 14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay. 15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen. 16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
  • Sharc 11:23 : 23 markaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn.
  • Sharc 11:25 : 25 Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.
  • Yash 2:9-9 : 9 oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.
  • 1 Sam 14:15 : 15 ¶ Oo cabsi weyn bay la qadhqadheen kuwii xerada ku jiray, iyo kuwii duurka joogay iyo dadkii oo dhanba; oo xataa ciidankii, iyo waxdhacayaashuna way wada gariireen, oo dhulkuna waa gariiray, haddana waxaa jiray gariir aad iyo aad u weyn.
  • 2 Boq 7:6 : 6 Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.
  • 2 Taar 14:14 : 14 Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 28Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.

  • Bax 23:22-23
    2 aayado
    81%

    22Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.

    23Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.

  • 25Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.

  • 2Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • 78%

    18waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.

    19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

    20Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.

    21Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.

    22Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.

    23Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.

    24Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.

  • 25Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.

  • 7Oo cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan.

  • 25Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.

  • Laaw 26:6-8
    3 aayado
    76%

    6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

    7Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

    8Oo shan idinka ahu boqol nin bay eryan doonaan, oo boqol idinka ahuna toban kun oo nin bay eryan doonaan, oo cadaawayaashiinnuna hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

  • 17Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.

  • 12Oo waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.

  • 5Oo Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan.

  • 19oo aad cadaawayaashiinna oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.

  • 39laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan.

  • Bax 23:30-31
    2 aayado
    74%

    30In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.

    31Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.

  • 74%

    29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

    30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

  • 8Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.

  • 3Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.

  • 5Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinnuu ka tuuri doonaa, oo idinka hor eryi doonaa, oo markaasaad dalkooda hantiyi doontaan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay.

  • 9Waayo, Rabbigu wuxuu hortiinna ka eryay quruumo waaweyn oo xoog badan; oo weliba idinka ninna idinma hor istaagin ilaa maantadan la joogo.

  • Bax 34:10-11
    2 aayado
    73%

    10Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.

    11Waxaad dhawrtaa waxaan maanta kugu amrayo; oo bal ogow, hortaada waxaan ka eryayaa reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • 23markaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 27Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.

  • 12Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.

  • 3Haddaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay.

  • Sharc 7:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,

    2oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.

  • 17illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,

  • 36Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.

  • 1¶ Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

  • 32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

  • 7Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu inkaarahan oo dhan wuxuu ku ridi doonaa cadaawayaashiinna iyo kuwa idin neceb oo idin silcin jiray.

  • 26Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.

  • 24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

  • 3oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,

  • 12Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane.

  • 10Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan.