Baxniintii 26:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Shan daah waa inay isku xidhnaadaan, oo shanta daah oo kalena waa inay isku wada xidhnaadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 26:9 : 9 Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda.
  • Bax 36:10 : 10 Oo shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay.
  • Yoox 17:21 : 21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.
  • 1 Kor 12:4 : 4 ¶ Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.
  • 1 Kor 12:12-27 : 12 ¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale. 13 Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha. 14 ¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan. 15 Hadday cagtu tidhaahdo, Anigu gacan ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn. 16 Hadday dhegtu tidhaahdo, Anigu isha ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn. 17 Haddii jidhka oo dhammu il wada ahaan lahaa, meeye dhegihii wax lagu maqli lahaana? Hadduu dhammaan dhego wada ahaan lahaa, meeh sankii wax lagu urin lahaana? 18 Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey. 19 Hadday dhammaan ahaan lahaayeen xubin qudha, meeh jidhkii? 20 Haatanse waa xubno badan laakiin waa jidh qudha. 21 ¶ Ishu gacanta kuma odhan karto, Kuuma baahni; madaxuna cagaha kuma odhan karo, Idiinma baahni. 22 Xataa xubnaha jidhka oo loo maleeyo inay u itaal yar yihiin, iyaga qudhooda waa loo baahan yahay, 23 oo kuwa jidhka oo aynu u malayno inay u maamuus yar yihiin, kuwaas ayaynu ka sii maamuusnaa kuwa kale, oo xubnaheenna cawrada ah baa ka xurmo badan kuwa kale. 24 Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya, 25 inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho. 26 Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan. 27 ¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.
  • Ef 2:21-22 : 21 Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah. 22 Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
  • Ef 4:3-6 : 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
  • Ef 4:16 : 16 kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
  • Kol 2:2 : 2 inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.
  • Kol 2:19 : 19 oo aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 36:8-18
    11 aayado
    93%

    8¶ Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.

    9Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna isku wada qiyaas bay ahaayeen.

    10Oo shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay.

    11Oo daahyada midkii darafta ugu xigay qarkiisa ayuu wuxuu u yeelay siddooyin buluug ah; oo sidaasoo kalena wuxuu u yeelay daahii dibadda ugu xigay intii labaad.

    12Konton siddo ayuu daahba u yeelay, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daaha dibadda u xiga ee intii labaad; oo siddooyinkuna midba mid buu ku toosnaa.

    13Oo wuxuu sameeyey konton qabsato oo dahab ah, oo daahyadiina wuxuu midba midka kale kula lammaaneeyey qabsatooyinkii; sidaasuu taambuuggu mid u noqday.

    14Markaasuu daahyo ka sameeyey dhogor riyaad, inay ahaadaan teendho ka sarrayso taambuugga, oo wuxuu iyaga ka dhigay kow iyo toban daah.

    15Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo kow iyo tobanka daah isku wada qiyaas bay ahaayeen.

    16Markaasuu shan daah gooni-ahaantooda isugu xidhay, lix daahna gooni-ahaan.

    17Markaasuu qarkii daahii dibadda u xigay intii kowaad u yeelay konton siddo, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daahii dibadda u xigay intii labaad.

    18Oo haddana wuxuu sameeyey konton qabsato oo naxaas ah inuu teendhada iskula dhejiyo oo ay mid noqoto.

  • Bax 26:4-13
    10 aayado
    91%

    4Oo daahyada midkood waa inaad darafta uu ka laaban yahay u yeeshaa siddooyin buluug ah, oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa daaha dibadda ugu xiga laabka labaad.

    5Isku daah waa inaad konton siddo u yeeshaa; oo daaha ku yaal laabka labaad waa inaad daraftiisa u yeeshaa konton siddo; oo siddooyinkuna waa in midkoodba kan kale ka hor jeedaa.

    6Waa inaad konton qabsato oo dahab ah samaysaa, oo daahyadana waa inaad midba kan kale qabsatooyinka kula xidhaa, oo taambuuggana waa inuu mid dhan ahaadaa.

    7Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah.

    8Oo daah kasta dhererkiisu waa inuu soddon dhudhun ahaadaa, daah kasta ballaadhkiisuna waa inuu afar dhudhun ahaadaa; oo koob iyo tobanka daah waa inay isku qiyaas ahaadaan.

    9Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda.

    10Oo daaha dibadda u xiga laabka daraftiisa waa inaad konton siddo u yeeshaa, oo daaha laabka labaad ugu korreeya daraftiisana waa inaad konton siddo u yeeshaa.

    11Oo waa inaad samaysaa konton qabsato oo naxaas ah, oo waa inaad qabsatooyinkana sudhaa siddooyinka, oo teendhadana isku xidh kulligeed si ay mid dhan u noqoto.

    12Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa.

    13Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan.

  • Bax 26:1-2
    2 aayado
    86%

    1¶ Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim.

    2Oo daah walba dhererkiisu waa inuu ahaadaa siddeed iyo labaatan dhudhun, daah walba ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna waa inay isku qiyaas ahaadaan.

  • Bax 26:23-24
    2 aayado
    78%

    23Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe.

    24Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh.

  • Bax 26:36-37
    2 aayado
    77%

    36Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

    37Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.

  • 26iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.

  • Bax 26:30-31
    2 aayado
    76%

    30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

    31¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

  • 4Oo waxay u sameeyeen garbo is-haystay, oo waxay iska haysteen labada daraf.

  • 29Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

  • Bax 27:14-16
    3 aayado
    75%

    14Oo iridda dhinaceeda waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah; tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

    15Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

    16Oo barxadda iriddeeda waxaad u yeeshaa daah labaatan dhudhun ah, oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac laga sameeyey, tiirarkiisu ha ahaadeen afar, saldhigyadooduna afar.

  • 17Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan.

  • 9¶ Oo waa inaad samaysaa barxadda taambuugga; oo barxadda dhinaceeda koonfureed waxaad ka lalmisaa daah maro wanaagsan ah oo dhererkiisu yahay boqol dhudhun,

  • 18Oo daaha barxadda iriddeeda wuxuu ahaa wax daabacan oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun oo u dhigma barxadda daahyadeeda.

  • Tir 4:25-26
    2 aayado
    73%

    25Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka,

    26iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan.

  • 27looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe.

  • 35¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

  • 9¶ Oo wuxuu sameeyey barxaddii; oo barxadda xaggeeda koonfureed waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay boqol dhudhun oo ah maro wanaagsan.

  • 12Oo barxadda dhinaca galbeed ballaadhkeeda waxaad ka lalmisaa daah konton dhudhun ah, oo tiirarkiisu ha ahaadeen toban, saldhigyadooduna toban.

  • 33Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

  • 37Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

  • Bax 38:15-16
    2 aayado
    71%

    15oo dhinaca kalena sidaas oo kalay ahaayeen, oo barxadda iriddeeda xaggan iyo xaggaasba waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna waxay ahaayeen saddex, saldhigyadooduna saddex.

    16Daahyadii barxadda ku wareegsanaa oo dhammu waxay ahaayeen maro wanaagsan.

  • 14Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.

  • 7Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii.