Baxniintii 27:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 25:31-37 : 31 ¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan. 32 Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin. 33 Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan. 34 Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii; 35 iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan. 36 Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 37 Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.
  • Bax 39:37 : 37 iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,
  • Laaw 24:1-4 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba. 3 Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab. 4 Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.
  • Xaak 9:9 : 9 Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
  • Sab 23:5 : 5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
  • Sak 4:11-14 : 11 Markaasaan jawaabay, oo waxaan isagii ku idhi, Waa maxay labadan geed oo saytuunka ah oo ku yaal laambadda dhankeeda midig iyo dhankeeda bidixba? 12 Oo haddana mar labaad baan jawaabay oo waxaan ku idhi, Waa maxay labadan laamood oo saytuunka ah oo ku ag yaal labada tuubbo oo dahabka ah oo saliidda dahabka ah iska madhiya? 13 Oo isna wuu ii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow. 14 Oo isna kolkaasuu igu yidhi, Kuwanu waa labada la subkay oo ag istaaga Sayidka dhulka oo dhan.
  • Muj 11:4 : 4 Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 24:1-4
    4 aayado
    95%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.

    3Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab.

    4Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.

  • 37iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

  • 37Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.

  • 21Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.

  • 4Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

  • Tir 8:1-5
    5 aayado
    78%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

    2Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda.

    3Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    4Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey.

    5¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 14iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,

  • Bax 25:30-32
    3 aayado
    78%

    30Oo miiska dushiisana waa inaad kibistii tusniinta saartaa, hana taallo hortayda had iyo goorba.

    31¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan.

    32Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin.

  • Bax 30:7-8
    2 aayado
    77%

    7Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido.

    8Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab.

  • 31Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

  • 20iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa,

  • Bax 40:24-25
    2 aayado
    76%

    24Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

    25Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Bax 30:25-27
    3 aayado
    75%

    25Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

    26Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga,

    27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

  • Bax 31:11-12
    2 aayado
    74%

    11iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa uunsiga udgoon ah oo meesha quduuska ah, oo wax walba sidii aan kugu amray waa inay u sameeyaan.

    12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo dhir udgoon oo lagu daro uunsiga;

  • Bax 37:17-19
    3 aayado
    73%

    17¶ Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.

    18Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.

    19Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.

  • Laaw 6:12-13
    2 aayado
    73%

    12Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa.

    13Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.

  • Tir 4:16-17
    2 aayado
    73%

    16Oo wadaadka Haaruun ah wiilkiisa Elecaasaar ahuna waa inuu u taliyaa saliidda laambadda, iyo fooxa udgoon, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo saliidda lagu subkado, iyo shuqulka taambuugga oo dhan, iyo waxa ku jira oo dhan, kuwaasoo ah meesha quduuska ah iyo alaabteedaba.

    17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 28Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon.

  • 8Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa'iil u yahay axdi weligiis ah.

  • 9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

  • 8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

  • 36kuwaasoo maalintii la subkay uu Rabbigu amray in reer binu Israa'iil iyaga siiyaan, oo taasna ab ka ab baa loo amray.

  • 15iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,

  • 23Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.

  • Yex 46:14-15
    2 aayado
    71%

    14Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah.

    15Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.

  • 35iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan.

  • 8iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon,

  • 22Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.

  • 40in had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray.

  • 11Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.