Baxniintii 35:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 25:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi, 2 Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Qurbaan ii ururiya, oo nin kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay waa inaad ka qaaddaa qurbaankayga. 3 Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas, 4 iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, 5 iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah, 6 iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo dhir udgoon oo lagu daro uunsiga; 7 iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo loogu dhejiyo eefodka, iyo laabgashiga. 8 Oo meel quduus ah ha ii sameeyeen aan iyaga dhex joogee. 9 Waxaan ku tusi doono oo dhan, oo ah hannaanka taambuugga iyo hannaanka alaabtiisa oo dhan, waa inaad sidaas oo kale u samaysaan. 10 ¶ Oo waa inay sanduuq ka sameeyaan qori qudhac ah, oo dhererkiisuna waa inuu ahaadaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh. 11 Oo waa inaad ku dahaadhaa dahab saafi ah, oo gudaha iyo dibaddaba waa inaad ka dahaadhaa, oo dushiisana waa inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 12 Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin. 13 Oo waa inaad ulo ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa. 14 Oo ulahana waa inaad gelisaa siddooyinka sanduuqa dhinacyadiisa ku yaal, in sanduuqa lagu qaado. 15 Oo uluhu waa inay ku jiraan sanduuqa siddooyinkiisa; oo waana inaan iyaga laga bixin marnaba. 16 Oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono. 17 Oo daboolna waa inaad uga samaysaa dahab saafi ah; laba dhudhun iyo badh waa inuu dhererkiisu ahaadaa, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh. 18 Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan. 19 Keruub waa inaad madax ka samaysaa, keruubka kalena waa inaad madaxa kale ka samaysaa; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolka waa inaad isku waslad ka wada samaysaan. 20 Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka. 21 Oo daboolkana waa inaad sanduuqa dushiisa saartaa; oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono. 22 Oo halkaasaan kugula kulmi doonaa, oo waxaan kaala hadli doonaa daboolka dushiisa, iyo labada keruub oo sanduuqa maragga dul saaran dhexdooda, oo waxaan kuu sheegi doonaa waxyaalaha aan ku siin doono oo dhan oo aan amar ahaan kuugu dhiibi doono reer binu Israa'iil. 23 ¶ Oo waa inaad miis ka samaysaa qori qudhac ah, oo dhererkiisu ha ahaado laba dhudhun, ballaadhkiisuna ha ahaado dhudhun, sarajooggiisuna ha ahaado dhudhun iyo badh. 24 Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 25 Oo waa inaad qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan u samaysaa, oo waa inaad qarka u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan. 26 Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo siddooyinkana waa inaad ku dhejisaa afarta gees oo rukummada ah. 27 Oo meel qarka ku dhow waa inay siddooyinku ku yaalliin, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado. 28 Oo ulaha waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa, oo aad dahab ku dahaadhaa, in miiska lagu qaado iyaga. 29 Oo waa inaad u samaysaa suxuuntiisa, iyo malqacadihiisa, iyo kidhliyadiisa, iyo maddiibadihiisa wax lagaga shubo, oo waa inaad dahab saafi ah ka wada samaysaa. 30 Oo miiska dushiisana waa inaad kibistii tusniinta saartaa, hana taallo hortayda had iyo goorba. 31 ¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan. 32 Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin. 33 Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan. 34 Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii; 35 iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan. 36 Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 37 Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan. 38 Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan. 39 Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa. 40 Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.
  • Bax 27:20 : 20 ¶ Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.
  • Bax 30:23 : 23 Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,
  • Bax 30:28 : 28 iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 25:4-7
    4 aayado
    93%

    4iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

    5iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,

    6iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo dhir udgoon oo lagu daro uunsiga;

    7iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo loogu dhejiyo eefodka, iyo laabgashiga.

  • Bax 35:27-28
    2 aayado
    92%

    27Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

    28Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon.

  • Bax 35:14-15
    2 aayado
    83%

    14iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,

    15iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga,

  • Bax 37:28-29
    2 aayado
    81%

    28Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

    29Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.

  • Bax 35:6-7
    2 aayado
    81%

    6iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

    7iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,

  • Bax 39:37-38
    2 aayado
    79%

    37iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

    38iyo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,

  • Bax 30:34-37
    4 aayado
    79%

    34¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad qaadataa uunsi udgoon oo ah istakte iyo onika iyo galbanum, iyagoo ah uunsi ay ku jirto beeyo saafi ah, oo miisaankooduna ha iswada le'ekaado.

    35Oo waxaad ka samaysaa foox, kaas oo loo sameeyey sida cadarsameeyuhu uu u sameeyo oo kale, oo cusbo lagu daray, oo saafi ah, quduusna ah.

    36Oo qaarkiis waa inaad tuntaa oo yaryaraysaa, oo waxaad hor dhigtaa maragga ku jira taambuugga shirka, taasoo ah meesha aan kugula kulmi doono; oo waxay idiin noqon doontaa kan ugu wada quduusan.

    37Oo fooxa aad samayn doontaan sidiisa ha u samaysanina; waayo, wuxuu kuu noqon doonaa quduus Rabbiga aawadiis.

  • 11iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa uunsiga udgoon ah oo meesha quduuska ah, oo wax walba sidii aan kugu amray waa inay u sameeyaan.

  • 9iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

  • 8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

  • Bax 30:23-27
    5 aayado
    77%

    23Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,

    24iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah.

    25Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

    26Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga,

    27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

  • 75%

    29Oo iyaga qaarkood kalena waxaa loo doortay inay u taliyaan alaabta guriga iyo weelasha meesha quduuska ah oo dhan, iyo burka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo fooxa, iyo uunsiga.

    30Oo wiilashii wadaaddada qaarkoodna waxay hagaajin jireen cadarkii uunsiga lahaa.

  • 14Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.

  • 9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

  • 38iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • Bax 30:7-8
    2 aayado
    72%

    7Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido.

    8Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab.

  • Tir 4:16-17
    2 aayado
    72%

    16Oo wadaadka Haaruun ah wiilkiisa Elecaasaar ahuna waa inuu u taliyaa saliidda laambadda, iyo fooxa udgoon, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo saliidda lagu subkado, iyo shuqulka taambuugga oo dhan, iyo waxa ku jira oo dhan, kuwaasoo ah meesha quduuska ah iyo alaabteedaba.

    17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 27oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 32iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo.

  • 10Markaasaa Muuse soo qaaday saliidda lagu subkado, oo wuxuu ku subkay taambuuggii iyo waxyaalihii gudihiisa ku jiray oo dhan, oo dhammaantoodna quduus buu ka dhigay.

  • 15Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah.

  • 20iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 18iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.

  • 23Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay.

  • 31Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

  • 15iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,

  • 80iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 14iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 37Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.

  • 56iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 2Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto.

  • 20¶ Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.