Baxniintii 35:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 25:4-6
    3 aayado
    96%

    4iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

    5iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,

    6iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo dhir udgoon oo lagu daro uunsiga;

  • Bax 39:34-35
    2 aayado
    86%

    34iyo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,

    35iyo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,

  • Bax 36:19-20
    2 aayado
    85%

    19Oo teendhadana wuxuu ded uga sameeyey wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.

    20¶ Oo taambuugga looxyadiisii taagtaagnaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah.

  • 6iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

  • Bax 26:14-15
    2 aayado
    85%

    14Oo teendhada waa inaad ded uga dhigtaa wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.

    15¶ Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa.

  • Bax 35:23-25
    3 aayado
    83%

    23Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay.

    24Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.

    25Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 8iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon,

  • 8oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan.

  • 6Oo markaas dushooda waa inay ded ah harag adhidibadeed saaraan, oo ay ku kala dul bixiyaan maro kulligeed buluug ah, oo waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Tir 4:10-12
    3 aayado
    77%

    10Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba waa inay dhex geliyaan harag adhidibadeed oo markaas waa inay usha lagu qaado sudhaan.

    11Oo meesha allabariga oo dahabka ahna waa inay maro buluug ah ku daboolaan, oo ay ku dedaan ded harag adhidibadeed ah, oo markaas waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

    12Oo waa inay qaadaan alaabta lagu adeego oo dhan oo ay kaga adeegaan meesha quduuska ah, waana inay maro buluug ah ku wada dhex ridaan oo ay ded ah harag adhidibadeed ku dedaan, oo ay usha lagu qaado sudhaan.

  • 20Oo waxaad kaloo daahirsataan dhar kasta iyo inta haragga laga sameeyey oo dhan, iyo wax kasta oo dhogor riyaad ah, iyo alaab kasta oo qoryo laga sameeyeyba.

  • 28Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

  • Bax 36:35-37
    3 aayado
    74%

    35¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

    36Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

    37Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

  • 31Oo wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,

  • 4Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

  • 14Waana inay saaraan alaabteeda oo dhan oo ay kaga adeegaan, kuwaas oo ah idammada, iyo mudacyada, iyo majarafadaha, iyo maddiibadaha, iyo weelashii meesha allabariga oo dhan, oo markaas waa inay ku kala dul bixiyaan ded ah harag adhidibadeed, oo ay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • 5Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

  • 31¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

  • 25Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka,

  • 13Oo waa inaad ulo ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

  • 26Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel,

  • 10Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.

  • 5Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 15Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.

  • Bax 35:11-12
    2 aayado
    70%

    11waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

    12iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah,

  • 14Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.

  • 6Oo markaas waa in wadaadku soo qaadaa qoryo ah geed kedar la yidhaahdo, iyo husob, iyo wax guduud ah, oo waa inuu ku dhex tuuro dabka qaalintu ku gubanayso.

  • 1¶ Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim.

  • 6Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.

  • 8¶ Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.

  • 7Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah.

  • 27¶ Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,

  • 28Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon.

  • 15iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga,

  • 14Markaasuu daahyo ka sameeyey dhogor riyaad, inay ahaadaan teendho ka sarrayso taambuugga, oo wuxuu iyaga ka dhigay kow iyo toban daah.

  • 48hadduu ku jiro dunta fidsan amase tan gudubsan ee dharka wanaagsan oo linenka ah, ama kan dhogorta idaad ah, iyo hadduu ku jiro haragga ama wax alla wixii harag laga sameeyo,

  • 6Oo meesha allabariga waa inaad u yeeshaa ulo qudhac ah oo lagu qaado, oo waxaad ku dahaadhaa naxaas.

  • 3Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.