Laawiyiintii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 28:2-4 : 2 Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood. 3 Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 4 Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
  • Bax 28:40-29:4 : 40 ¶ Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux. 41 Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada. 42 Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda; 43 Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah. 1 ¶ Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn, 2 iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah. 3 Oo waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan. 4 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.
  • Bax 30:23-37 : 23 Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus, 24 iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah. 25 Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah. 26 Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga, 27 iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa, 28 iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba. 29 Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus. 30 Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada. 31 Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah. 32 Haddaba waa inaan dad jidhkiisa lagu shubin, ama waa inaydnaan samayn mid la mid ah, oo sideeda oo kale loo sameeyey, waayo, iyadu waa quduus, oo waxay idiin noqon doontaa quduus. 33 Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa. 34 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad qaadataa uunsi udgoon oo ah istakte iyo onika iyo galbanum, iyagoo ah uunsi ay ku jirto beeyo saafi ah, oo miisaankooduna ha iswada le'ekaado. 35 Oo waxaad ka samaysaa foox, kaas oo loo sameeyey sida cadarsameeyuhu uu u sameeyo oo kale, oo cusbo lagu daray, oo saafi ah, quduusna ah. 36 Oo qaarkiis waa inaad tuntaa oo yaryaraysaa, oo waxaad hor dhigtaa maragga ku jira taambuugga shirka, taasoo ah meesha aan kugula kulmi doono; oo waxay idiin noqon doontaa kan ugu wada quduusan. 37 Oo fooxa aad samayn doontaan sidiisa ha u samaysanina; waayo, wuxuu kuu noqon doonaa quduus Rabbiga aawadiis.
  • Bax 39:1-9 : 1 ¶ Oo waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 2 ¶ Oo eefodkiina wuxuu ka sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 3 Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay. 4 Oo waxay u sameeyeen garbo is-haystay, oo waxay iska haysteen labada daraf. 5 Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 6 ¶ Oo waxay diyaariyeen dhagaxyadii onika la odhan jiray, oo ku jira saldhigyo dahab ah, oo lagu xardhay xaradhkii shaabadda oo ah sida ay magacyadii reer binu Israa'iil ahaayeen. 7 Oo wuxuu ku dhejiyey eefodka garbihiisa, inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 8 ¶ Oo wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 9 Wuxuu ahaa afargeesood, oo laabgashiga waxay u sameeyeen labanlaab, oo dhererkiisu wuxuu ahaa taako, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa taako isagoo labanlaaban. 10 Oo waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya. 11 Safka labaadna wuxuu ahaa sumurud, iyo safayr, iyo dheemman. 12 Safka saddexaadna wuxuu ahaa yakintos, iyo agate, iyo ametustos. 13 Safka afraadna wuxuu ahaa berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waxaa lagu dhejiyey saldhigyo dahab ah oo meeshooda ku yaal. 14 Oo dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda. 15 Oo laabgashiga waxay ku sameeyeen silsilado xadhko u eg, oo laga tidcay dahab saafi ah. 16 Oo waxay sameeyeen laba saldhig oo dahab ah, iyo laba siddo oo dahab ah, oo waxay labadii siddo sudheen laabgashiga labadiisa daraf. 17 Oo labadii silsiladood oo dahabka ahayd oo tidcanaydna waxay ku xidheen labadii siddo oo ku yiil darfaha laabgashiga. 18 Oo labadii silsiladood oo tidcanayd labadoodii madax oo kalena waxay ku xidheen labadii saldhig, oo waxay ku xidheen eefodka garbihiisa xaggooda hore. 19 Oo waxay sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen laabgashiga labadiisa daraf oo gudaha ah oo eefodka xiga. 20 Oo waxay kaloo sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen eefodka garbihiisa xaggooda hoose, oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay iskaga xidhmaan, oo ka sarreeya suunka eefodka dhex-xidhkiisa daabaca ah. 21 Oo laabgashigii waxay siddooyinkiisii ku xidheen siddooyinkii eefodka, waxayna kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidhnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka debcin eefodka, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 22 ¶ Oo khamiiskii eefodkana wuxuu ahaa dhar samaysan, oo kulligiis buluug ah. 23 Oo daloolkii khamiiska ku yiil wuxuu ahaa sida daloolka dhar afkiisa rigrig ku wareegsan yahay, si uusan u dillaacin. 24 Oo khamiiska darafkiisa hoose waxay ku sameeyeen rummaanno buluug, iyo guduud, iyo casaan ah, iyo maro wanaagsan. 25 Oo waxay sameeyeen dawanno dahab saafi ah, oo dawannadii waxay kala dhex geliyeen rummaannadii ku yiil khamiiska darafkiisa ku wareegsan, oo u dhexeeya rummaannadii; 26 oo dawan iyo rummaan, haddana dawan iyo rummaan, ayuu ku wareejiyey khamiiska dharafkiisa, in lagu adeego aawadeed, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 27 ¶ Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey, 28 oo waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa, 29 iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 30 ¶ Oo waxay kaloo sameeyeen taajkii quduuska ahaa ee ahaa wasladdii khafiifka oo dahabka saafiga ahayd, oo waxay dushiisii ku qoreen far u eg xaradhkii shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA. 31 Oo waxay ku xidheen shalash buluug ah, in lagula dhejiyo duubka sare, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Bax 39:41 : 41 iyo dharkii loo sameeyey in lagaga adeego meesha quduuska ah, iyo dharkii quduuska ahaa oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharkii wiilashiisa, ee loogu sameeyey inay kaga adeegaan hawsha wadaadnimada.
  • Bax 40:12-15 : 12 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga. 13 Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 14 Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa, 15 oo waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab.
  • Cib 7:27 : 27 kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 29:3-4
    2 aayado
    84%

    3Oo waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan.

    4Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

  • Laaw 9:1-3
    3 aayado
    83%

    1¶ Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

    2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

    3Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 8:8-9
    2 aayado
    80%

    8Oo markaas iyagu ha kaxaysteen dibi yar iyo qurbaankiisii hadhuudhka oo ah bur saliid lagu daray, oo dibi kale oo yarna waxaad u kaxaysaa qurbaan dembi.

    9Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • Laaw 8:30-31
    2 aayado
    80%

    30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

    31Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.

  • 1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

  • 5Oo ururka reer binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo.

  • Laaw 8:12-14
    3 aayado
    79%

    12Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo.

    13Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    14Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.

  • 3Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.

  • 32Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.

  • 22Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

  • 6Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay.

  • Laaw 8:25-27
    3 aayado
    77%

    25Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig.

    26Oo dambiishii ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirtay oo Rabbiga hortiisa tiilna wuxuu ka soo bixiyey xabbad ah kibis aan khamiir lahayn, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah, oo wuxuu saaray baruurtii iyo bowdadii midig,

    27oo intaas oo dhan ayuu saaray Haaruun gacantiisii, iyo gacantii wiilashiisa, oo sida qurbaanka la ruxruxo ayaa Rabbiga hortiisa lagu ruxruxay.

  • 1¶ Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn,

  • 15Oo haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

  • 23Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa,

  • Bax 29:21-23
    3 aayado
    76%

    21Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

    22Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda.

    23Oo dambiisha hor taal Rabbiga oo ay ku jirto kibista aan khamiirka lahaynu waxaad kala soo baxdaa xabbad kibis ah, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah;

  • 18Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

  • 10iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,

  • 8Oo waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 3Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.

  • Bax 40:12-13
    2 aayado
    75%

    12Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga.

    13Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

  • Tir 6:15-16
    2 aayado
    75%

    15iyo dambiil ah kibis aan khamiir lahayn taasoo ah moofo ah bur saliid lagu daray iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah.

    16Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.

  • 19Oo haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

  • 41Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 13Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan.

  • 10Oo dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa.

  • 4Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 19¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 30Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah.