Laawiyiintii 8:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 20:8 : 8 Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba.
  • Tir 21:16 : 16 Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.
  • 1 Taar 13:5 : 5 Markaasuu Daa'uud soo wada shiriyey reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ka soo ururiyey tan iyo Shiixoor oo ah durdurka Masar iyo xataa tan iyo meesha Xamaad laga galo in sanduuqii Ilaah Qiryad Yecaariim laga soo qaado.
  • 1 Taar 15:3 : 3 Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.
  • 2 Taar 5:2 : 2 ¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.
  • 2 Taar 5:6 : 6 Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
  • 2 Taar 30:2 : 2 Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.
  • 2 Taar 30:13 : 13 Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.
  • 2 Taar 30:25 : 25 Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.
  • Nex 8:1 : 1 ¶ Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.
  • Sab 22:25 : 25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
  • Fal 2:1 : 1 ¶ Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 8:4-5
    2 aayado
    85%

    4Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka.

    5Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.

  • 9Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 3Oo markii iyaga laga dhawaajiyo, ururka oo dhammu waa inay kuugu soo shiraan iridda teendhada shirka.

  • 5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • Bax 40:5-6
    2 aayado
    78%

    5Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

    6Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

  • Tir 16:18-20
    3 aayado
    77%

    18Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.

    19Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

    20¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 16:42-43
    2 aayado
    77%

    42Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.

    43Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda.

  • Laaw 8:33-35
    3 aayado
    76%

    33Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.

    34Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.

    35Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.

  • 11Oo dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka.

  • Laaw 8:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto.

  • Bax 33:7-8
    2 aayado
    75%

    7¶ Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa.

    8Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi,

  • 4Oo waa inaad iyaga hor dhigtaa maragga teendhada shirka ku yaal, taasoo ah meesha aan idinkula kulmo.

  • 8Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

  • 1¶ Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

  • 5oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah.

  • 7Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow.

  • 12Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga.

  • Tir 3:7-8
    2 aayado
    73%

    7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

    8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

  • Bax 40:28-29
    2 aayado
    73%

    28Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

    29Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 3Markaasaa Sulaymaan iyo shirkii isaga la jiray oo dhammu waxay tageen meeshii sare oo Gibecoon ku tiil, waayo, halkaas waxaa tiil teendhadii shirka oo Rabbiga, taasoo Muuse oo ahaa Rabbiga addoonkiisii uu cidlada ku sameeyey.

  • Bax 29:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan.

    4Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

  • 42Oo wuxuu ka ab ka ab ahaan doonaa qurbaan joogto ah oo Rabbiga hortiisa lagu gubo xagga iridda taambuugga shirka, oo ah meesha aan kugula kulmi doono inaan kula hadlo aawadeed.

  • 23Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.

  • 29Markaasaa Muuse iyo Haaruun tageen oo waxay isu soo ururiyeen waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 6Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga.

  • 31Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.

  • 30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

  • 2Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.

  • 32Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.

  • 1¶ Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.

  • 13¶ Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka,

  • 26Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga,

  • 1¶ Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 17Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.

  • 11Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.

  • 3Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.