Laawiyiintii 14:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 29:1-4 : 1 ¶ Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn, 2 iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah. 3 Oo waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan. 4 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.
  • Laaw 8:3 : 3 Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.
  • Tir 8:6-9 : 6 Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri. 7 Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen. 8 Oo markaas iyagu ha kaxaysteen dibi yar iyo qurbaankiisii hadhuudhka oo ah bur saliid lagu daray, oo dibi kale oo yarna waxaad u kaxaysaa qurbaan dembi. 9 Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan. 10 Oo reer Laawi waa inaad keentaa Rabbiga hortiisa, oo reer binu Israa'iilna waa inay gacmaha saaraan reer Laawi. 11 Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.
  • Tir 8:21 : 21 Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday.
  • Ef 5:26-27 : 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.
  • Yuud 1:24 : 24 ¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    23Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.

    24Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.

    25Oo waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

  • Laaw 14:2-4
    3 aayado
    83%

    2Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.

    3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

    4markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

  • Laaw 14:7-10
    4 aayado
    83%

    7Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.

    8Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa.

    9Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.

    10Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.

  • 83%

    16Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

    17Oo saliidda inteeda kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka.

    18Oo saliidda inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa.

    19Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,

    20oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.

  • 82%

    31Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa.

    32Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.

  • 82%

    13Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.

    14Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.

    15Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.

  • 12Oo wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.

  • Laaw 13:5-9
    5 aayado
    78%

    5Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

    6Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado.

    7Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa.

    8Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

    9¶ Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa,

  • 14Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

  • 11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

  • 12Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.

  • 78%

    30Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.

    31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 10Oo maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka.

  • 7Oo markaas wadaadku dharkiisa ha maydho, oo jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas ka dib xerada ha soo galo, oo tan iyo fiidkii wadaadku nijaas buu ahaan doonaa.

  • Tir 19:19-20
    2 aayado
    77%

    19Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.

    20Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

  • 19Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

  • 11Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,

  • 26Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.

  • 17oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.

  • 27Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

  • 34Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.

  • 44markaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira, oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay.

  • 48Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.

  • 38markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.

  • 54markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah.

  • 75%

    28Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku.

    29Oo saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga hortiisa.

  • 7Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.

  • 24oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba.

  • 53Laakiinse waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah, oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.