Laawiyiintii 14:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 5:10 : 10 Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
  • 2 Boq 5:14 : 14 Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
  • Ish 52:15 : 15 ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
  • Yex 36:25 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
  • Cib 9:13 : 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo,
  • 1 But 1:2 : 2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.
  • Cib 9:19 : 19 Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba,
  • Cib 9:21 : 21 Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii.
  • Cib 9:26 : 26 Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa.
  • Cib 10:22 : 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah.
  • Cib 12:24 : 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
  • Daan 9:24 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.
  • Miik 7:19 : 19 Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.
  • Yoox 19:34 : 34 Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo.
  • Ef 5:26-27 : 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.
  • Sab 51:2 : 2 Xumaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.
  • Sab 51:7 : 7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
  • Laaw 4:6 : 6 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.
  • Laaw 4:17 : 17 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.
  • Laaw 8:11 : 11 Oo qaarkeedna wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood quduus uga dhigo.
  • Laaw 13:13 : 13 markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.
  • Laaw 13:17 : 17 oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.
  • Laaw 14:51 : 51 Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.
  • Laaw 16:14 : 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.
  • Laaw 16:19 : 19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.
  • Laaw 16:22 : 22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda.
  • Tir 19:18-19 : 18 oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga. 19 Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.
  • 1 Yoox 5:6 : 6 ¶ Kanu waa kii biyo iyo dhiig ku yimid, oo ah Ciise Masiix; biyo keliya kuma iman, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    48Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.

    49Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

    50Oo shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.

    51Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.

    52Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah.

    53Laakiinse waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah, oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.

    54¶ Kanu waa sharciga ku saabsan cayn kasta oo ah cudurka baraska ah, waana cambaarta,

  • Laaw 14:2-6
    5 aayado
    87%

    2Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.

    3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

    4markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

    5Oo wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.

    6Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay.

  • Laaw 14:8-11
    4 aayado
    87%

    8Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa.

    9Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.

    10Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.

    11Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.

  • 81%

    13Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.

    14Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.

  • Tir 19:18-19
    2 aayado
    80%

    18oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga.

    19Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.

  • 19Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

  • 16Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

  • 27Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

  • 27Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

  • Laaw 13:4-7
    4 aayado
    79%

    4Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

    5Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

    6Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado.

    7Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa.

  • 12Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.

  • 57Kanu waa sharciga baraska ku saabsan, oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.

  • 78%

    30Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo.

    31Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa.

    32Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.

  • 7Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.

  • 6oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.

  • 77%

    19Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,

    20oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.

  • 26Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.

  • 17oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.

  • 11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

  • 23Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.

  • 13markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.

  • 34Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.

  • 54markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah.

  • 51Oo haddana maalinta toddobaad waa inuu cudurka fiiriyaa, oo haddii cudurku dharka kaga sii faafay dunta fidsan ama tan gudubsan, ama haragga dhexdiisa, haraggaas hawl kasta oo loogu isticmaalaba, markaas cudurku waa baras wax xaganaya oo waxaasu waa nijaasaysan yahay.

  • 14Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen.

  • 38markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.

  • 17oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.

  • 7Oo markaas wadaadku dharkiisa ha maydho, oo jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas ka dib xerada ha soo galo, oo tan iyo fiidkii wadaadku nijaas buu ahaan doonaa.

  • 14Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.