Laawiyiintii 14:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 11:25 : 25 oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
  • Tir 8:7 : 7 Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.
  • Tir 12:14-15 : 14 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo. 15 Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.
  • 2 Taar 26:21 : 21 Oo Boqor Cusiyaahna tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo isagoo baras qaba ayuu joogi jiray guri gaar ah, waayo, wuu ka go'ay gurigii Rabbiga, oo wiilkiisii Yootam ayaa reerka boqorka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
  • 1 But 3:21 : 21 Biyahaasuna waxay ka dhigan yihiin baabtiiska hadda idinku badbaadiya sarakicidda Ciise Masiix, oo aan ahayn ka fogaynta wasakhda jidhka, laakiinse waxaa weeye baryo ka timaada qalbi wanaagsan oo xagga Ilaah.
  • Muj 1:5-6 : 5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay, 6 oo boqortooyo inaga dhigay inaynu wadaaddo u ahaanno Ilaaha ah Aabbihiis, isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.
  • Muj 7:14 : 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.
  • Laaw 13:5-6 : 5 Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale. 6 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado.
  • Laaw 14:9 : 9 Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.
  • Laaw 14:20 : 20 oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.
  • Laaw 15:5-8 : 5 Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 6 Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 7 Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 8 Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
  • Tir 5:2-3 : 2 Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay. 3 Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay.
  • Bax 19:10 : 10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
  • Bax 19:14 : 14 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.
  • Laaw 8:6 : 6 Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay.
  • Laaw 8:33-35 : 33 Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah. 34 Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo. 35 Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 14:9-11
    3 aayado
    92%

    9Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.

    10Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.

    11Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.

  • 7Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.

  • 86%

    13Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.

    14Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.

  • Tir 8:6-7
    2 aayado
    85%

    6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

    7Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.

  • 12Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.

  • Laaw 13:4-8
    5 aayado
    82%

    4Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

    5Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

    6Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado.

    7Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa.

    8Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

  • 24Oo dharkiinnana waa inaad maalinta toddobaad maydhaan, oo markaas daahir baad ahaanaysaan oo kolkaas dabadeed waa inaad xerada soo gashaan.

  • Laaw 14:2-4
    3 aayado
    82%

    2Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.

    3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

    4markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

  • 26Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.

  • Tir 19:7-8
    2 aayado
    82%

    7Oo markaas wadaadku dharkiisa ha maydho, oo jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas ka dib xerada ha soo galo, oo tan iyo fiidkii wadaadku nijaas buu ahaan doonaa.

    8Oo kii qaalinta gubona dharkiisa biyo ha ku maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo isna tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

  • 19Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.

  • 28Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.

  • 81%

    33markaas isagu waa inuu xiirto, laakiinse meesha cambaarta leh yuusan xiirin, oo wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

    34Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.

    35Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa dabadeed,

  • 27Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

  • 46Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa, waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.

  • Laaw 15:7-8
    2 aayado
    80%

    7Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    8Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 54markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah.

  • 78%

    27Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    28Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa.

  • 16Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.

  • 23Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.

  • 21Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku karantiilaa intii toddoba maalmood ah,

  • 51Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.

  • 51Oo haddana maalinta toddobaad waa inuu cudurka fiiriyaa, oo haddii cudurku dharka kaga sii faafay dunta fidsan ama tan gudubsan, ama haragga dhexdiisa, haraggaas hawl kasta oo loogu isticmaalaba, markaas cudurku waa baras wax xaganaya oo waxaasu waa nijaasaysan yahay.

  • 26Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa.

  • 11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

  • 58Oo dharkii ha ahaado dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax alla wixii harag laga sameeyey oo aad maydho, haddii cudurku iyaga ka baxo, haddana waa in mar labaad la maydhaa, oo kolkaasay daahir ahaan doonaan.

  • 9Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa.

  • 77%

    10Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    11Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 32Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.

  • 19Oo idinna xerada dibaddeeda dega intii toddoba maalmood ah. Oo ku alla kii qof dilay, iyo ku alla kii qof la dilay taabtayba, maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ha isdaahiriyo, idinka iyo maxaabiistiinnuba.

  • 57Kanu waa sharciga baraska ku saabsan, oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.

  • 44isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.

  • 11Laakiinse markay casar gaabadkii tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.

  • 13markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.