Baxniintii 27:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad hoos dhigtaa qarka ku wareegsan meesha allabariga, inuu shabaggu gaadho meesha allabariga kalabadhkeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 38:4 : 4 Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 38:4-7
    4 aayado
    82%

    4Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka.

    5Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa.

    6Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.

    7Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.

  • Bax 27:1-4
    4 aayado
    81%

    1¶ Oo meesha allabariga waa inaad ka samaysaa qori qudhac ah, dhererkeedu shan dhudhun ha ahaado, ballaadhkeeduna shan dhudhun; oo meesha allabarigu afar geesood ha ahaado, oo sarajooggeeduna saddex dhudhun ha ahaado.

    2Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.

    3Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.

    4Oo waa inaad shabag naxaas ah u yeeshaa; oo shabagga dushiisa waa inaad u yeeshaa afar siddo oo naxaas ah oo ku taal afarta gees.

  • Bax 27:6-8
    3 aayado
    78%

    6Oo meesha allabariga waa inaad u yeeshaa ulo qudhac ah oo lagu qaado, oo waxaad ku dahaadhaa naxaas.

    7Oo ulaheeda waa in siddooyinka laga geliyaa, oo uluhu waa inay meesha allabariga labada dhinac kaga jiraan ha lagu qaadee.

    8Oo waxaad iyada ka samaysaa looxyo, sida sanduuq madhan oo kale, oo sidii buurta lagugu tusay ha u sameeyeen.

  • Yex 43:13-16
    4 aayado
    74%

    13¶ Oo kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda.

    14Oo salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun.

    15Meesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees.

    16Oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah.

  • 35Oo saldhigga dushiisana waxaa tiil meel wareegsan oo sarajooggeedu yahay dhudhun badhkiis; oo saldhigga korkiisa siddooyinkiisa iyo darfihiisuba isagay ku yiilleen.

  • 16iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda,

  • 30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

  • 12Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin.

  • Bax 38:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo meeshii allabariga lagu gubi lahaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, afargeesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

    2Oo geesaheediina wuxuu ugu sameeyey afarteeda rukun; oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen, naxaas buuna ku dahaadhay.

  • Tir 4:13-14
    2 aayado
    71%

    13Oo waa inay meesha allabariga dambaska ka daadiyaan, oo ay maro guduudan ku kala dul bixiyaan.

    14Waana inay saaraan alaabteeda oo dhan oo ay kaga adeegaan, kuwaas oo ah idammada, iyo mudacyada, iyo majarafadaha, iyo maddiibadaha, iyo weelashii meesha allabariga oo dhan, oo markaas waa inay ku kala dul bixiyaan ded ah harag adhidibadeed, oo ay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Bax 25:24-27
    4 aayado
    71%

    24Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

    25Oo waa inaad qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan u samaysaa, oo waa inaad qarka u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.

    26Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo siddooyinkana waa inaad ku dhejisaa afarta gees oo rukummada ah.

    27Oo meel qarka ku dhow waa inay siddooyinku ku yaalliin, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.

  • 1¶ Oo weliba wuxuu kaloo sameeyey meel allabari oo naxaas ah oo dhererkeedu labaatan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna labaatan dhudhun yahay, sarajooggeeduna labaatan dhudhun yahay.

  • 37Oo toddoba maalmood waa inaad meesha allabariga u kafaaro guddaa oo quduus ka dhigtaa, oo meesha allabarigu waa inay ugu wada quduusnaataa, oo wax kasta oo meesha allabariga taabtaa quduus wuu noqon doonaa.

  • 11Oo meesha allabariga oo dahabka ahna waa inay maro buluug ah ku daboolaan, oo ay ku dedaan ded harag adhidibadeed ah, oo markaas waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Bax 30:4-5
    2 aayado
    70%

    4Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

    5Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

  • 28iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba.

  • 39iyo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,

  • 5Oo halkaas waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan.

  • Bax 30:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Oo waxaad samaysaa meel allabari oo foox lagu shido; waxaadna ka samaysaa qori qudhac ah.

    2Oo dhererkeeduna ha ahaado dhudhun, ballaadhkeeduna ha ahaado dhudhun, afar geesoodna waa inay lahaataa, sarajooggeeduna ha ahaado laba dhudhun, oo geesaheeduna waa inay isku waslad la ahaadaan.

  • Bax 26:32-33
    2 aayado
    70%

    32Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

    33Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

  • 18Barxadda dhererkeedu waa inuu ahaado boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna waa inuu meel walba u ahaadaa konton dhudhun, sarajooggeeduna waa inuu ahaado shan dhudhun, kana samee maro wanaagsan oo saldhigyadooduna ha ahaadeen naxaas.

  • 9iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeeda,

  • 26Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

  • Bax 40:5-8
    4 aayado
    69%

    5Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

    6Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

    7Oo berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa.

    8Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

  • 27Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

  • 3Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey.

  • 30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

  • 37Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.