Baxniintii 28:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 11:2 : 2 oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga.
  • 1 Kor 12:7-9 : 7 Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar. 8 Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo. 9 Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya. 10 Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda. 11 Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.
  • Ef 1:17 : 17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
  • Yac 1:17 : 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
  • Ish 28:24-26 : 24 Kan beerta jeexa miyuu had iyo goorba beerta u jeexaa inuu wax abuuro aawadeed? Oo miyuu had iyo goorba beertiisa sii qodaa oo sii jeexaa? 25 Markuuse beerta ciiddeeda oo dhan wada simo miyuusan ku firdhin kabsarmadowda, oo miyuusan kamuunta firdhin, oo sarreenkana miyuusan safsaf u beerin, iyo shaciirkana meeshiisii, iyo heeddana xagga darafka? 26 Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.
  • Bax 31:3-6 : 3 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah, 4 inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, 5 iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah. 6 Oo bal eeg, waxaan isaga la doortay Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan; oo inta xigmadda leh oo dhan waxaan qalbigooda geliyey xigmad, inay sameeyaan wixii aan kugu amray oo dhan;
  • Bax 35:25 : 25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
  • Bax 35:30 : 30 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah;
  • Bax 35:35-36:2 : 35 Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa. 1 ¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan. 2 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.
  • Sharc 34:9 : 9 Oo Yashuuca ina Nuunna waxaa ka buuxay ruuxa xigmadda, maxaa yeelay, Muusaa gacmihiisa mar hore saaray, oo reer binu Israa'iil isagii way maqleen, oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay sameeyeen.
  • Maah 2:6 : 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 28:4-6
    3 aayado
    86%

    4Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

    5Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    6¶ Oo eefodka ha ka sameeyeen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo daabacna ha lagu sameeyo.

  • Bax 28:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

    2Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood.

  • Bax 40:13-14
    2 aayado
    83%

    13Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

    14Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa,

  • Bax 31:10-11
    2 aayado
    82%

    10iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,

    11iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa uunsiga udgoon ah oo meesha quduuska ah, oo wax walba sidii aan kugu amray waa inay u sameeyaan.

  • Bax 28:39-41
    3 aayado
    82%

    39Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.

    40¶ Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux.

    41Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • Bax 29:5-6
    2 aayado
    80%

    5Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka;

    6oo duubkana waa inaad madaxiisa saartaa, oo taajka quduuska ahna duubka saar.

  • Bax 30:29-30
    2 aayado
    80%

    29Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus.

    30Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 41iyo dharkii loo sameeyey in lagaga adeego meesha quduuska ah, iyo dharkii quduuska ahaa oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharkii wiilashiisa, ee loogu sameeyey inay kaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 19iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • Bax 29:29-30
    2 aayado
    78%

    29Oo dharka Haaruun oo quduuska ah waxaa qaadan doona wiilashiisa isaga dabadiis, si loogu subko oo quduus looga dhigo iyagoo gashan.

    30Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah.

  • Bax 29:8-9
    2 aayado
    77%

    8Oo waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli.

    9Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.

  • 1¶ Oo waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 10Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan;

  • 3oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah,

  • Bax 36:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.

    2¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.

  • 27¶ Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,

  • 21Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

  • 6Oo bal eeg, waxaan isaga la doortay Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan; oo inta xigmadda leh oo dhan waxaan qalbigooda geliyey xigmad, inay sameeyaan wixii aan kugu amray oo dhan;

  • 35Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa.

  • 31oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah,

  • 4Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.

  • 7Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.

  • 30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

  • 31¶ Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug.

  • 3Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.

  • 23Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa,

  • 35Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

  • 32Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.

  • Laaw 8:12-13
    2 aayado
    74%

    12Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo.

    13Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 15¶ Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 44Oo waxaan quduus ka dhigi doonaa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo Haaruun iyo wiilashiisana quduus baan ka dhigi doonaa, inay hawsha wadaadnimada iiga adeegaan.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed.

  • 11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan.

  • 19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,