Baxniintii 36:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaana jiray siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahaa. Kuwaasu waxay ahaayeen lix iyo toban saldhig, oo lababa loox ka hoosayso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 26:25 : 25 Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 26:15-29
    15 aayado
    93%

    15¶ Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa.

    16Looxiiba dhererkiisu waa inuu toban dhudhun ahaadaa, oo loox kasta ballaadhkiisu waa inuu dhudhun iyo badh ahaadaa.

    17Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan.

    18Oo dhinaca koonfureed oo taambuugga looxyadiisa waa inaad labaatan loox ka dhigtaa.

    19Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad.

    20Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox,

    21iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

    22Oo meesha ugu dambaysa taambuugga oo ah dhankiisa galbeed waa inaad lix loox u yeeshaa.

    23Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe.

    24Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh.

    25Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

    26Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel,

    27looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe.

    28Oo uldhexaadda oo looxyada ku gudban waa inay gaadhaa gees ilaa gees.

    29Oo looxyada waa inaad dahab ku dahaadhaa, oo siddooyinkooda ah meelaha ulaha gudban ka gelayaan waxaad ka samaysaa dahab, oo ulahana waa inaad dahab ku dahaadhaa.

  • Bax 36:20-29
    10 aayado
    93%

    20¶ Oo taambuugga looxyadiisii taagtaagnaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah.

    21Oo loox kasta dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

    22Oo loox kastaaba wuxuu lahaa laba caaro, oo looxyaduna dhinacyaday isku hayeen, oo looxyadii taambuugga oo dhan sidaasuu u sameeyey.

    23Oo looxyada ayuu Taambuugga u sameeyey, oo waxay ahaayeen labaatan loox dhinaca koonfureed.

    24Oo wuxuu sameeyey afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatan loox, oo laba saldhigba waxay ka hooseeyeen loox, oo waxay saldhig u ahaayeen labadiisii caaro, oo laba kale oo saldhigna waxay saldhig u ahaayeen loox kale labadiisii caaro.

    25Oo taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,

    26iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba loox bay ka hooseeyeen, oo laba saldhig oo kalena waxay ka hooseeyeen loox kale.

    27Oo taambuugga xaggiisa dambe oo galbeed xigtana wuxuu u sameeyey lix loox.

    28Oo labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambena wuxuu u sameeyey laba loox.

    29Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

  • Bax 36:31-34
    4 aayado
    80%

    31Oo wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,

    32oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada dhinaca kale kaga jira taambuugga, oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada taambuugga kaga jira xaggiisa dambe oo galbeed xigta.

    33Oo uldhexaaddii ayuu looxyadii ku gudbay gees ilaa gees.

    34Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

  • 36Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

  • 10Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.

  • 19Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag.

  • 10oo tiirarkiisuna waa inay ahaadaan labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaa waa inay lacag ahaadaan.

  • 11waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • 31Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • 27Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey.

  • 36Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,

  • Bax 38:30-31
    2 aayado
    73%

    30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

    31iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.

  • 32Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

  • 17Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag.

  • 38Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

  • 12Oo dhinaca galbeed daahyadiisu waxay ahaayeen konton dhudhun, tiirarkoodu waxay ahaayeen toban, saldhigyadooduna toban, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag.

  • 4Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

  • 17Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.

  • 12Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin.

  • 16iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah,

  • 8Oo waxaad iyada ka samaysaa looxyo, sida sanduuq madhan oo kale, oo sidii buurta lagugu tusay ha u sameeyeen.

  • 34Oo afarta geesna waxay ku lahaayeen afar meelood oo haya, oo afarta meelood oo hayaana waxay ka mid ahaayeen saldhigga qudhiisii.

  • 18Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay.