Baxniintii 4:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba waa inaad gacanta ku qaadatid ushan aad cajaa'ibyada ku samayn doontid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 4:2 : 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.
  • Bax 7:9-9 : 9 Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto. 10 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso. 11 Fircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. 12 Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan. 13 Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. 14 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo. 15 Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay. 16 Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin. 17 Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig. 18 Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan. 19 Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba. 20 Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.
  • 1 Kor 1:27 : 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 4:1-5
    5 aayado
    83%

    1¶ Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.

    3Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta.

    5Sidaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub.

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.

  • Tir 20:7-9
    3 aayado
    79%

    7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    8Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba.

    9Markaasaa Muuse ushii ka qaatay Rabbiga hortiisa, siduu isaga ugu amray.

  • 15Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.

  • Bax 7:8-10
    3 aayado
    79%

    8¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

    9Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.

    10Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso.

  • Bax 4:20-21
    2 aayado
    78%

    20Markaasaa Muuse wuxuu watay naagtiisii iyo wiilashiisii, oo wuxuu saartay dameer, wuxuuna ku noqday dalkii Masar. Markaasaa Muuse ushii Ilaah gacanta ku qaatay.

    21Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.

  • Bax 4:15-16
    2 aayado
    77%

    15Haddaba waa inaad isaga la hadashaa, oo aad erayada afkiisa ku riddaa, oo anigu afkaagaan la jiri doonaa, iyo afkiisaba, oo waxaan idin barayaa wixii aad samayn lahaydeen.

    16Oo isagu wuxuu kuu noqon doonaa ninka dadka kuula hadla, oo waxay noqon doontaa inuu isagu af kuu noqdo, adna waxaad isaga u noqon doontaa Ilaah oo kale.

  • Tir 17:1-6
    6 aayado
    76%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil la hadal, oo iyaga ulo ka qaad. Qabiil kastaba ul ka qaad; amiirradooda oo dhan sida ay qabiilooyinkoodu kala yihiin laba iyo toban ulood ka kala qaad. Oo nin walba magiciisa ushiisa ku qor.

    3Usha reer Laawi waxaad ku qortaa magaca Haaruun. Qabiilooyinkooda madaxdooda mid kastaaba waa inuu ul lahaadaa.

    4Oo waa inaad iyaga hor dhigtaa maragga teendhada shirka ku yaal, taasoo ah meesha aan idinkula kulmo.

    5Oo markaas ninkii aan doorto ushiisu way magooli doontaa, oo anna hortayda waan ka joojin doonaa gunuuska ay reer binu Israa'iil adiga kuu gunuusaan.

    6Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil la hadlay, oo amiirradoodii oo dhammu waxay isagii siiyeen ulo, oo amiir kastaaba mid buu siiyey siday qabiilooyinkoodu ahaayeen, intaasu waxay ahayd laba iyo toban ulood; oo ushii Haaruunna ulahooday ku dhex jirtay.

  • Tir 17:9-10
    2 aayado
    74%

    9Markaasaa Muuse ulihii ka soo qaaday Rabbiga hortiisa oo wuxuu u keenay reer binu Israa'iil oo dhan, oo way fiiriyeen oo nin waluba ushiisii buu qaatay.

    10Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane.

  • Bax 4:8-9
    2 aayado
    73%

    8Oo waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan.

    9Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan.

  • 16Oo adigu ushaada kor u qaad, oo gacanta badda ku kor fidi, oo kala goo; oo reer binu Israa'iil waxay mari doonaan badda dhexdeeda oo ay ku socon doonaan dhul engegan.

  • 11Oo ma jirin mid sameeyey calaamooyinkii iyo yaababkii uu Rabbigu isaga dalkii Masar ugu diray inuu ku sameeyo Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo dalkiisii oo dhan,

  • 30Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey.

  • Bax 7:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga.

    2Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan.

  • 28Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan.

  • 20Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo anigaa afkaaga la jiri doona oo ku bari doona wixii aad ku hadli lahayd.

  • 12Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.

  • 34Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

  • 9Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah.

  • 21Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.

  • 17Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar.

  • 18¶ Markaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag.

  • 12Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan.

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.