Baxniintii 4:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 4:30-31 : 30 Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey. 31 Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.
  • Sharc 32:39 : 39 Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii, Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin. Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa. Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa. Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.
  • 2 Boq 5:7 : 7 Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.
  • Ayuub 5:18 : 18 Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
  • Ish 28:10 : 10 Waayo, amarba amar, amarba amar baa lagu daraa, oo qaynuunba qaynuun, qaynuunba qaynuun baa lagu daraa, halkan in yar, halkaasna in yar.
  • Yoox 12:37 : 37 ¶ Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan.

  • Bax 4:4-7
    4 aayado
    75%

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta.

    5Sidaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub.

    6Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.

    7Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.

  • Bax 4:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.

  • 48Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.

  • 17Haddaba waa inaad gacanta ku qaadatid ushan aad cajaa'ibyada ku samayn doontid.

  • Sharc 13:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab,

    2oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin,

  • 7Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan:

  • 70%

    37¶ Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;

    38inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

    39Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,

  • 11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 31Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.

  • 30Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 9Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.

  • 30Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey.

  • Bax 7:3-4
    2 aayado
    68%

    3Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.

    4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

  • 10Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.

  • 9¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.

  • 15Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.

  • 38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 19Markaasaa saaxiriintii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Tanu waa fartii Ilaah. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

  • 22Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, wax sii sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan, laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta.

  • 34Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

  • 27¶ Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.

  • 2Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,

  • 17Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,

  • 47Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?

  • 11Oo ma jirin mid sameeyey calaamooyinkii iyo yaababkii uu Rabbigu isaga dalkii Masar ugu diray inuu ku sameeyo Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo dalkiisii oo dhan,

  • 33Oo markay waxyaalahaasu noqdaan, (bal eeg, way iman doonaane,) waxay ogaan doonaan in nebi uu iyaga dhex joogay.

  • 14¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin,

  • 32In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.

  • 20Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.

  • 46Oo waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba weligiin,

  • 16Laakiin hadduu ku maqli waayo, mid ama laba kale wado, si hadal walba loogu adkeeyo afka laba ama saddex markhaati.

  • 3kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen, iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa,

  • 2 Boq 20:8-9
    2 aayado
    66%

    8Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?

    9Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo?

  • 32Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

  • 20Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono.

  • 21Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.