Luukos 16:31
Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
26Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.
27Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,
28waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman.
29Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.
30Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobadkeeni doonaan.
16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.
8Oo waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan.
26Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub?
31Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?
46Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.
47Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?
13Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.
9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.
31Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,
17Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.
30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,
25Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.
26Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
5Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
1¶ Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.
23Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabbi'in doono.
5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?
6Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.
12¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?
13Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.
23Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan.
60Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi.
37Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.
48Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.
32¶ Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.
21Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
14Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac.
15Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis.
52Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.
18¶ Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen,
9¶ Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
10Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?
27¶ Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.
27¶ Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.
3Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
25Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan.
40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
20Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
22Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.
23Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.
9¶ Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
37Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
11Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.
40Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?