Luukos 16:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 9:17 : 17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
  • Luuk 16:28 : 28 waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman.
  • 2 But 2:4 : 4 Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo.
  • Muj 14:10-11 : 10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa. 11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.
  • Ish 14:9 : 9 She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii.
  • Ish 14:15 : 15 Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.
  • Mat 5:22 : 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah.
  • Mat 5:29 : 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa.
  • Mat 8:11-12 : 11 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda, 12 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.
  • Mat 18:9 : 9 Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.
  • Mat 23:33 : 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?
  • Luuk 8:28 : 28 Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.
  • Luuk 13:28-29 : 28 Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray. 29 Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.
  • Mat 8:29 : 29 Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?
  • Mat 11:23 : 23 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.
  • Sab 16:10 : 10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
  • Sab 49:15 : 15 Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah)
  • Sab 86:13 : 13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
  • Maah 5:5 : 5 Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
  • Maah 7:27 : 27 Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
  • Maah 9:18 : 18 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.
  • Maah 15:24 : 24 Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.
  • Muj 20:10 : 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
  • Muj 20:13-14 : 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.
  • 1 Kor 15:55 : 55 Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    19¶ Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.

    20Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,

    21oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.

    22Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay.

  • 86%

    24Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa.

    25Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa.

    26Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.

    27Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,

    28waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman.

    29Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.

    30Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobadkeeni doonaan.

    31Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.

  • 72%

    28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.

    29Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.

  • 72%

    43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

    44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

  • Mark 9:46-48
    3 aayado
    70%

    46oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.

    47Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

    48oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.

  • 19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

  • 1¶ Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.

  • 68%

    23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

    24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,

  • 68%

    16Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.

    17Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa.

  • 44oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.

  • 28oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.

  • 68%

    42Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado.

    43Wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maanta Firdooska ayaad igula jiri doontaa.

  • 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • 46Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

  • 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 13Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

  • 41¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.

  • 51oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 3laakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale.

  • 22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

  • 4Maalintii saddexaad ayuu Ibraahim indhihiisa kor u taagay, markaasuu meeshii oo ka fog arkay.

  • 23¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

  • 23¶ Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan!

  • 9¶ Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.

  • 11Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 11Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.

  • 13Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.

  • 23Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.