Luukos 16:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 13:23 : 23 Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.
  • Sab 49:6-9 : 6 Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan, 7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo, 8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,) 9 Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis. 10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan. 11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan. 12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
  • Sab 49:16-19 : 16 Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho, 17 Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso. 18 In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid, 19 Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
  • Mark 8:36 : 36 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?
  • Yac 1:11 : 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
  • Muj 14:13 : 13 ¶ Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod igu leh, Qor, Waxaa barakaysan kuwa hadda ka dib dhimanaya iyagoo Rabbiga rumaysan. Ruuxii wuxuu leeyahay, Haah, iyagu waa inay ka nastaan hawshoodii, waayo, waxaa iyaga la socda shuqulladoodii.
  • 1 But 2:24 : 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
  • Luuk 12:20 : 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
  • Sab 73:18-20 : 18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan. 19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi. 20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
  • Sab 91:11-12 : 11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan. 12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
  • Maah 14:32 : 32 Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.
  • Wacd 8:10 : 10 ¶ Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Ish 14:18 : 18 Boqorradii quruumaha oo dhammu dhammaantood sharaf bay ku jiifaan iyagoo mid kastaaba qabrigiisa ku jiro.
  • Ish 22:16 : 16 Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa?
  • Ish 57:1-2 : 1 ¶ Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday. 2 Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
  • Mat 8:11 : 11 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,
  • Mat 13:38-43 : 38 beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39 Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo. 40 Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. 41 Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala. 42 Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43 Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.
  • Mat 18:10 : 10 ¶ Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.
  • Mat 24:31 : 31 Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.
  • Yoox 21:20 : 20 ¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa?
  • Cib 1:14 : 14 Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?
  • Cib 2:14 : 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,
  • 2 Boq 9:34-35 : 34 Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor. 35 Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.
  • Ayuub 3:13-19 : 13 Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa, 14 Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay, 15 Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday; 16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag? 17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan. 18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa. 19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
  • Ayuub 21:13 : 13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.
  • Ayuub 21:30-32 : 30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada? 31 Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey? 32 Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    23Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan.

    24Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa.

    25Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa.

    26Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.

    27Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,

    28waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman.

    29Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.

    30Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobadkeeni doonaan.

  • 83%

    19¶ Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.

    20Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,

    21oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.

  • 19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • 2 Sam 12:2-4
    3 aayado
    69%

    2Ninkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan,

    3laakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale.

    4Waxaa ninkii taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka miskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid.

  • 69%

    22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

    23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

    24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,

    25waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.

    26Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

  • 68%

    43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

    44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

  • Mat 19:22-24
    3 aayado
    68%

    22Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

    23¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

    24Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

  • 68%

    20Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?

    21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 8Ibraahimna waa naf baxay, cimri wanaagsan buuna ku dhintay, isagoo duq ah, oo sannado badan jiray; oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

  • 15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

  • 1¶ Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.

  • 25Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

  • 46Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

  • 16Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.

  • 14Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.

  • 1¶ Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

  • 24Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 66%

    22Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

    23¶ Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan!

  • 35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

  • 37Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.

  • 32Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.

  • 9¶ Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.

  • 1¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya.

  • 30Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!

  • 10Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan.