Falimaha Rasuullada 17:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 17:18 : 18 Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.
  • Fal 24:25 : 25 Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.
  • Fal 2:13 : 13 Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.
  • Fal 26:8 : 8 Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?
  • Fal 26:24-25 : 24 Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay. 25 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan.
  • 2 Taar 36:16 : 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
  • Luuk 14:18 : 18 Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.
  • Fal 25:19 : 19 laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.
  • Fal 17:31 : 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
  • 1 Kor 4:10 : 10 Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay.
  • 2 Kor 6:2 : 2 waayo, wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay, Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.
  • Cib 3:7-8 : 7 Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, 8 Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
  • Cib 11:36 : 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.
  • Cib 13:13 : 13 Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.
  • Luuk 22:63 : 63 ¶ Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.
  • Luuk 23:11 : 11 Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.
  • Luuk 23:36 : 36 Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen,
  • Fal 13:41 : 41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
  • Bil 19:14 : 14 Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya.
  • 2 Taar 30:9-9 : 9 Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan. 10 Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday. 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
  • 1 Kor 1:23 : 23 annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 31maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.

  • 75%

    12¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?

    13Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.

  • 33Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

  • Fal 17:18-21
    4 aayado
    74%

    18Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.

    19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

    20Waayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.

    21(Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)

  • 35¶ Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan?

  • 32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.

  • 8Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?

  • Fal 13:30-31
    2 aayado
    72%

    30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

    31oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.

  • 21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

  • 15Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.

  • 70%

    15Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.

    16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.

  • Fal 2:12-13
    2 aayado
    70%

    12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

    13Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.

  • 18oo ah kuwa xagga runta ka gefay iyagoo leh, Sarakicidda waa horaa la soo dhaafay, oo qaar bay iimaanka ka halleeyaan.

  • 28Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan,

  • 2iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.

  • 3isagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.

  • 24Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen.

  • 19laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.

  • 41Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,

  • 27¶ Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.

  • 31Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,

  • 1 But 4:5-6
    2 aayado
    68%

    5Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

    6Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.

  • 15oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.

  • 37laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.

  • Fal 10:40-42
    3 aayado
    67%

    40Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey,

    41uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

    42Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

  • 53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.

  • 22Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.

  • 10Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?

  • 29¶ Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisay kuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaa haddana loogu baabtiisaa iyaga?

  • 18¶ Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen,

  • 24wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen.

  • 7Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.

  • 35Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan.

  • 16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.

  • Mat 22:22-23
    2 aayado
    66%

    22Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.

    23¶ Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,

  • 18Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.

  • 31Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.

  • 13Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.

  • 63oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.